Cumar Cabdirashiid: “Heshiiska Dekedda Berbera xukuumaddayda ma saxiixin”

HomeWararka

Cumar Cabdirashiid: “Heshiiska Dekedda Berbera xukuumaddayda ma saxiixin”

Raysal wasaarihii hore ee Soomaaliya Cumar Cabdirashiid Cali Sharmaarke ayaa ka hadlay hadalkii dhowaan kasoo baxay wasiiru dowladaha arimaha dibadda

XULASHADA DALJIR | AYAANLE CABDULAAHI JAAMAC | CAABUDWAAQ 6-JULY-2022
Boqor Burhaan oo ka hadlay xiisada ka taagan magaaladda Jigjiga (daawo)
Wasiir Xukuumadda Soomaaliya katirsan oo hortagaya Aqalka Sare

Raysal wasaarihii hore ee Soomaaliya Cumar Cabdirashiid Cali Sharmaarke ayaa ka hadlay hadalkii dhowaan kasoo baxay wasiiru dowladaha arimaha dibadda ee Dowladda Imaaraatka Carabta, oo ku saabsanaa heshiiskii dekedda Berbera inay u saxiixday dowladdii hore ee Soomaaliya.

Cumar ayaa sheegay inuu jirin wax heshiis ah oo dekedda Berbera ku saabsan oo uu saxiixay, balse uu filayo heshiiska in la saxiixay wixii ka dambeeyey xukuumaddii uu raysal wasaaraha ka ahaa.

Hoos kadhagayso

Dowladda Faderaalka ee Soomaaliya ayaa horay uga soo horjeesatay heshiiskii dekedda Berbera ee Somaliland, Imaaraatka Carabta iyo Itoobiya, iyadoona ku sheegtay arrin ka horimaanaysa madaxbanaanida ,xadgudubna ku ah midnimada Soomaaliya.

 

COMMENTS

WORDPRESS: 0
DISQUS: