Beyle oo ka hadlay ka hortaga daabicista lacagta shiling Somaaliga

HomeWararka

Beyle oo ka hadlay ka hortaga daabicista lacagta shiling Somaaliga

Wasiirka Wasaaradda Maaliyadda Xukuumadda federaalka ah ee Soomaaliya Dr Cabdiraxaan Ducaale Bayle oo Maanta Shir jaraaid Warbaahinta ugu qabtay xafii

Xasan Ruuxaani oo Mar Kale Noqday Madaxweynaha Dalka Iiraan
Marabtaa inaad Caloosha Jarto? Jawaabu haday tahay haa, Maxaa lagaa rabaa inaad samayso? (daawo)
Shirka Abey Axmed iyo Soomaali Galbeed oo qodobo laga soo saaray (sawiro)

Wasiirka Wasaaradda Maaliyadda Xukuumadda federaalka ah ee Soomaaliya Dr Cabdiraxaan Ducaale Bayle oo Maanta Shir jaraaid Warbaahinta ugu qabtay xafiiskiisa ayaa waxa uu kahadalay arimaha deyn Cafinta Soomaaliya, halka ay marayso ,soo daabicista lacahagaha Shillin Soomaaliga waxa hor hortaagan hantida qaranka oo ka maqan gacanta dowladda ay Wasaaradda Maaliyadda tira koob kusoo sameysay.

Drs Cabdiraxmaan Ducaale Bayle Wasiirka Wasaaradda Maaliyadda Soomaaliya ayaa waxa uu sheegay in arrimaha deyn cafinta dalka ay qaadaneyso kashaqaynteeda muddo afar sano ah,sidoo kalena mudo toban sano ah aysan Soomaaliya soo qaadan karin wax amaah ah ilaa ay iska bixiso misa loo cafiyo deymaha lagu leeyahay.

Wasiir Bayle ayaa hadalkiisa intaasi kudaray in soo daabicista lacahagaha Shillin Soomaaliga ah ay u baahan tahay in loo helo lacagtii lagu daabici lahaa taas oo kabadan 42milyan,hayeeshee ka dowlad ahaan haayaan kala bar lacagihii lagu daabici lahaa lacagta Shillin Soomaaliga ah ayna ka go’antahay sidii dadka soomaaliyeed ay ugu soo celiyaan lacagtooda.

Dhanka kale Wasiir Beyle ayaa waxa uu sheegay in tiro koob ay kusoo sameeyeen hantidii qaranka oo ay gacanta ugu jirto shaqasiyaad si gaar ah u isticmaala dhawaana ay u gudbinayaan guddiga soo celinta hantida qaranka ee uu magacaabay Ra’iisul Wasaare Kheyre.

COMMENTS

WORDPRESS: 0
DISQUS: