RW Rooble oo Garbahaarey booqasho ku tagay

RW Rooble oo Garbahaarey booqasho ku tagay

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda xilgaarsiinta Maxamed Xuseen Rooble iyo wafdi uu horkacayo ayaa la filayaa in maanta ay booqasho ku tagaan degmada Garbahaareey ee Xarunta Gobolka Gedo.

Wafdiga uu hoggaaminayo Ra’iisul Wasaare Maxamed Xuseen Rooble ayaa waxaa ka mid ah guddigii uu u magacaabay arrimaha Gobolka Gedo iyagoo degmada Garbahaareey kula kulmi doonaan Odayaasha Dhaqanka iyo mas’uuliyiinta Maamulka Gobolka Gedo si xal looga khilaafka u dhexeeya qaar ka mid ah siyaasiyiinta ka soo jeeda Gobolka Gedo iyo Maamulka Jubbaland.

Degmada Garbahaareey ayaa waxaa gaaray wafdi ka socda Xafiiska Ra’iisul Wasaaraha si ay ugi sii diyaariyaan soo dhaweynta iyo Odayaal dhaqan iyo mas’uuliyiin kale.

Magaalada Garbahaarey ayaa waxaa laga dareemayaa soo dhaweynta wafdiga uu hoggaaminayo ra’iisul wasaare Roble oo booqasho ku jooga magaalada Kismaayo.

Degmada Garbahaareey ee Xarunta Gobolka Gedo ayaa waxaa ay kamid tahay Goobaha ay ka dhacayaan doorashooyinka Xildhibaannada labada Aqal, waxaana dhawaan la filayaa in la geeyo Ciidamo ka tirsan Boolisa AMISOM iyo kuwa dowladda sida uu dhigayay heshiiskii doorashada ee lagu gaaray Magaalada Muqdisho.

FAALLOOYIN & FALCELIN

WORDPRESS: 0
WP2Social Auto Publish Powered By : XYZScripts.com