Guddiga Gurmadka Abaaraha: Waa la Xisaabatamaynaa Maamulada Dalka

Xubno ka tirsan “Guddiga Gurmadka Abaaraha Qaranka” oo maanta shir saxaafadeed ku qabtay magaalada Muqdisho ayaa waxay ka hadleen qaabkii loo maareeyay dhaqaalihii guddiga soo gaaray iyo lacago cusub oo dhawaan laga soo aruurshay dad Soomaaliyeed oo ku nool dalka dibaddiisa.

Sheekh Nuur Baaruud Gurxan oo ka mid ah xubnaha guddiga gurmadka abaaraha ayaa sheegay in ay la xisaabtami doonaan maamulada dalka, kalana xisaabtami doonaan qaabka loo maareeyey dhammaan dhaqaalihii guddiga uu ku wareejiyay, isaga oo tilmaamay cid kasta oo lagu tuhmo in ay musuqmaasuqeen lacagaha loogu tala galay dadka abaaraysan ay talaabo adag ka qaadi doonaan.

Hoos ka dhegayso


Posted

in

by

Tags:

Comments

One response to “Guddiga Gurmadka Abaaraha: Waa la Xisaabatamaynaa Maamulada Dalka”

  1. waa arin sax ah in maamulada dalka ka jira lala xisaabtamo waana soodhowaynayaa

U dhaaf Halcelis

Negelka email-kaaga lama faafin doono. Godadka faralka ah waxaa lagu suntay *

WP2Social Auto Publish Powered By : XYZScripts.com