HomeUncategorized

Guddiga arrimaha gudaha ee baarlamanka Britian oo ku baaqay in laga noqdo mamnuucista Qaadka

London, November 29, 2013 - Baarlamanka boqortooyada Britian ayaan weli go?aan kama dambays ah ka gaarin mamnuucista qaadka loo iib-geeyo dalkaas, oo ay inta badan cunnaan dadka soo galootiga ah.

M/weyne Shariif oo sheegay in waxqabadka ugu weyn ee dawlada federaalka ah ee 2009 uu ahaa furitaanka idaacada Muqdisho.
DHEGEYSO: Barnaamijka Caawa & Daljir 27
DHAGAYSO:Barnaamijkii Caawa iyo Daljir iyo wariye Maxamud

London, November 29, 2013 – Baarlamanka boqortooyada Britian ayaan weli go?aan kama dambays ah ka gaarin mamnuucista qaadka loo iib-geeyo dalkaas, oo ay inta badan cunnaan dadka soo galootiga ah oo ay Soomaalidu safka hore kaga jirto.

Xildhibaan ka tirsan baarlamanka Britian ayaa maanta baarlamanka ka hor sheegay inay muhiim tahay in dowladdu ay ka noqoto mamnuucista qaadka, isagoo tilmaamay inay dadka soo galootiga ah ay ka caraysan yihiin go?aanka dowladda.

Keith Vaz oo ah gudoomiyaha guddiga arrimaha gudaha ee baarlamanka Britian, waxaa uu xusay in awood ka qaadista dadka cunna qaadka ay xataa keeni karto in ay fursad helaan Argagixisada iyo fuliyaasha falalka xag-jirnimada ah.

?booliska iyo dadka soo galootiga ah ayey xataa xiisad ?ka dhex abuurti kartaa arrinta mamnuucista qaadka.? Sidaas waxaa yiri xildhibaan Keith Vas oo carabka ku dhuftay dadka Soomaalida oo ah soo galooti aad u isticmaala qaadka.

Gudoomiyaha guddiga arrimaha gudaha ee baarlamanka Britian, sidoo kale waxaa uu dib u milicsday in mamnuucista qaadka aan loo cuskan cadaymo muujinaya in uu khatar ku yahay caafimaadka dadka iyo weliba nolosha bulshada caadiga ah.

Britian waxay mamnuucday bishii july in aan dalkeeda lagu cunnin laguna iibin karin qaadka, meelaha ugu badan ee qaadka Britian laga keeno waa dalka Kenya, ganacsatada qaadka Miiro ayey arrintaas saamayn ku yeelatay.

Diiwaanka wararka

Radio Daljir

Daljir.com

COMMENTS

WORDPRESS: 0
DISQUS: