Al-shabaab iyo meleteriga huwanta oo ku dagaalamay saldhigyo ku yaala duleedka Afmadow

Afmadow, November 29, 2013 – Meleteriga huwanta iyo kooxda Al-shabaab ayaa xalay ku dagaalamay duleedka degmada Afmadow ee gobolka Jubbada hoose, dagaalkaas ayaa wakhti qaatay.

Kooxda Al-shabaab ayaa la xaqiijyey in ay weerar madaafiic ah huwiyeen saldhigo ay meleteriga huwanta ah ku leeyihiin Afmadow, dagaalka ayaa in badan socday, waxaana rasaasta laga maqlayey gudaha degmada.

Khasaaraha dagaalka ka dhashay ilaa hadda lama shaacin, goobaha dagaalku ka dhacay oo ah xaruumo ciidan darteed iyo goob-joogayaasha oo goobta ka fog.

Kooxda al-shabaab ayaa hadda ka hor dhowr jeer weeraray degmada Afmadow oo ka mid ah meelaha ay saldhigyada ku leeyihiin ciidamada huwanta ah.

?7 agoust waxaa Afmadow ka dhacay dagaal u dhexeeyey meleteriga huwanta ah iyo kooxda, kaas ?oo ay ku dhinteen 10 ruux oo ka tirsan dhinacyada dirirtu dhexmartay.

Diiwaanka wararka

Radio daljir

Daljir.com

FAALLOOYIN & FALCELIN

WORDPRESS: 0
WP2Social Auto Publish Powered By : XYZScripts.com