Gorfayn xaalada gobolka Mudug – waftiga Puntland & Issimada gobolka Mudug. [Dhegaysi …]

Galkacyo, July 14 – Waxaa in dhawaale safar hawleed ku joogay gobolka Mudug wafti uu hogaaminayo afhayeenka baarlamaanka Puntland Md. C/rashiid M. Xirsi, ayna weheliyaan mas’uuliyiin ka tirsan golayaasha dawlada Puntland ee gobolka Mudug.

Mudada ii ay ku sugnaayeen Galkacyo ayaa waftigu ay kulamo wadatashi ah ay la yeesheen Issimada, nabadoonada, madaxda gobolka, hay’adaha rayadka ah, iyo bulashada qaybaheeda kale.

Kulan maanta ay yeesheen Issimada iyo waftigu ayaa lagu gorfeeyey horumarka gobolka, amniga, dhismaha golayaasha dawlada, ganacsiga, iyo fidinka maamulka ee gobolka.

Diiwaanka Wararka,
Idaacada Daljir.

Daljir.com

FAALLOOYIN & FALCELIN

WORDPRESS: 0
WP2Social Auto Publish Powered By : XYZScripts.com