Hobollada Waayaha Cusub ee saldhigoodu yahay Nairobi oo maanta soo gaadhay magaalada Gaalkacyo. [Akhris …]

Galkacyo, July 15 – Hoobollada da’da yar ee kooxda Waayaha Cusub oo ay wadashaqayn leeyihiin idaacadda Daljir ayaa maanta ka soo dagay gagida dayuuradaha ee magaalada Gaalkacyo, kuwaas oo ay martigalinayso idaacadda Daljir.

Kooxda Waayaha Cusub ayaa inta ay joogaan degaannada Puntland waxa ay fan ku soo bandhigi doonaan heeso isugu jira waddaniyadda oo si gaar ah u gudbin doona nuxurka dhawridda iyo adkaynta nabadda iyo kala dambaynta, waxana ay socdaallo ku wada mari doonaan xarumaha kala duwan ee idaacadda Daljir ay ku leedahay magaalooyinka Puntland, waxana sidoo kale ay hawada kala hadli doonaan dhagaystayaasha Daljir, iyagoo uga jawaabi doona su’aalo ay dhagaystayaashu ka waydiin doonaan nabadda ay kooxdaas aalaaba kaga turjumaan heesohooda.

Guddoomiyaha koox faneedka Waayaha Cusub Shiine Akhyaar oo idaacadda Daljir u warramay kaddib markii ay magaalada Gaalkacyo soo gaadheen, waxa uu sheegey in ay aad ugu faraxsanyihiin isaga iyo hobollada safar nabadeedkan ku weheliya soo dhawaynta diirran ee ay kala kulmeen masuuliyiinta iyo waxgaradka Gaalkacyo, waxana uu si gaar ah ugu mahadceliyay idaacadda Daljir ee ay wada shaqaynta leeyihiin oo si gaar ah soo dhawayn ballaadhan oo diyaargarow sare leh u muujisay.

Waayaha Cusub waxa ay idaacadda Daljir si mug leh uga soo wada qayb qaateen barnaamijkii Da’yarta Soomaalida iyo Doorka Nabadda, kaas oo dhalinta Soomaaliyeed loogu gudbin jiray ka digtoonaanta marin habawga dhalinta loo adeegsado falalka nabadda lidigga ku ah, iyo dagaalladda hubaysan.

Ururada bulshada ee magaalooyinka Puntland ayaa haatan isku diyaarinaya in ay Waayaha Cusub la barbar istaagaan doorkooda nabadeed iyo wadaniyadeed ee ay ku gudbinayaan safar faneedkooda ay ku joogaan Puntland, kaas oo ay idaacadda Daljir-na door wayn kala qaadanayso bah-faneedka Waayaha Cusub.

Idaacadda iyo mareegta Daljir waxa aad kala socon doontaan haddii Eebbe idmo barnaamijyo ay wadajir idinkugu soo gudbin doonaan Daljir iyo Waayaha Cusub oo istaageersanaya.

Adam Shardi Axmed
Radio Daljir


Fanaaniinta Waayaha Cusub oo si diiran loogu soo dhaweeyey Galkacyo.

Galkacyo, July 16 – Shalay galab makhribkii waxaaa garoonka diyaaraha ee magaalada Galkacyo lagu soo dhaweeyey dhallinyarada fannaaniinta waayaha cusub oo ay casumaaad ballaaraan ay ufidisay idaacadda Daljir Puntland, si ay qeyb uga noqdaan barnaamijyo wacyi galin ah oo y muddo ku hawlanayd idaacadda Daljir

Dhallinta fanniinta waayaba cusub ee ka kooobnaa 6xubnood ayaa ka soo kicitimat magaalada Nayroobi ee dalka kenya, waxaana ujeedda loo casumay oo ay u yimaadeen ay ahayd sidii ay deegaanadda puntland uga qaban lahaayeen barnaamij nabadeed oo ay isla kaaashana yaan iyaga iyo Raddio Daljir kaasi oo loogu magac daray kulanka nabadda Daaljir iyo Waayaha cusub.

Barnaamijyada nabadeed oo ah kuwo lagu soo bandhigi doono hab suugaaneed oo murti iyo madadaalo xanbaarsan ayaa ka dhici doono meelo badan oo ka mid ah deegaanadda Puntland, waxaana lagu odarasi doonoo sida ugu maacquulsan ee nabadda loo taageeri karo, iyadoo sidoo kalana bulshada reer Puntland laga wacyi galintoo waxyaabaha liddiga ku ah nabadda iyo hormarka deegaanadood kuwaasi oo ay ugu horreeyaan dilka, dhaca, afduubka iyo dhammaan falkasta oo burcadnimo ku salaysan.

Barnaamij suugeeneedada ay fulinayaan dhallinta fannaaniinta waayaha cusub oo gacan ka helaya Radio Daljir, oo ah mid xoogga lagu saarayo wacyi galin xagga nabadda ah ayaa lagu soo bandhigi doono heeso wadani ah oo nuxurkoodu yahay halku dhig nabdeed, riwaayado iyo majaajilooyin muujinayo farqiga u dhaxeeya nabadda iyo colaadda iyadoo ay taana ku sii lammaansantahay tusaalayaal cabiraya toobiyayaal nabaddda loo mari karo si looga dheeraado waxkasta dhaawici kara nabadda iyo xasiloonida ka jira Deegaaanadda Puntland.

Kulanka nabadda oo ah mid ay iska kaashanayaan idaacadda Daljir fannaaniinta waayaha cusub waxaa uu qeyb ka yahay barnaamijyo taxane ah oo ay idaacadda Daljir soo wadday tan iyo xilligii la asaasay kuwaasi oo dhammaanba ku qotomay nabadda Soomaaliya iyo sidii xal looga gaari lahaa mashaakilka nabad-galyo xumada iyo colaadaha ka aloosan meelo badan oo ka mid ah gayiga Soomaalida, sidoo kalana waxaa ay barnaamijyadaasi diiradda saarayeen bar-baarin iyo kobcin lagu sameeyo nabadda ka jirta deegaanada xasiloon ee dalka oo ay ka mid yihiin gobollada Puntland.

In muddo ah idaacadda Daljir iyo fannaaniinta waayaha cusub waxaa isla wadeen barnaamij ku aaddan dhallinta iyo door ah ku leeyihiin nabadda iyo xal u helidda khilaafaadka, kaasi oo lagu soo bandho macluumaad badan oo ku saabsan dhallinta Soomaaliyeed iyo dhabaatooyinka kala duwan ee ay la kulmaan iyo sidoo kale sida xal looga gaari karo suulinta tacadi kasta oo soo wajaha da’yarta Soomaaliyeed.

Imaansha fannaaniinta Waayaha Cusub ee gobollada Puntland oo ay ku yimaadeen casumaad ay u fidisay idaacadda Daljir, waxaa ay noqonaysaa markoodii ugu horreeyey ee ay yimaadeen gobollada Puntland.

Guddoomiyaha kooxda Waayaha cusub Mr Shiino oo saxaafadda kula hadlay Airport-ka magaalada Galkacyo xilligii ay soo degeen, ayaa sheegay in ay aad ugu faraxsan-yihiin imaatinkooda Puntland waxaana uu intaasi ku daray sawir cusub in ay la kulmeen marka loo eego fakarkii ay ka haysteen gobollada Puntland, kaas oo uu ku micneeyey halkani in ay la mid tahay halkii ay ka yimaadeen ee Kenya marka laga fiiriyo xagga degenaanshaha iyo kala danbaynta maamul ee ka jirta.

Dhammaantood mar ay qabteen kulan hor dhac ah oo ay ku muujinayeen farxadooda ay ku faraxsan-yiin imaanshaha halkaan waxaa ay tilmaameen marna in aan la soo koobi karin dareenkooda, waxaana bulashada reer Puntlland ay u gudbiyeen farriintooda xagga wacyi-galinta ah ee ay xanbaarsan-yiin iyagoo sheegay nabaddu in ay tahay nolasha kaliya ee noolo kasta sidaasi darteedna loo baahan-yahay gacmo wada jira ah in lagu xajiyo xasiloonida iyo deganaanshaha ka jira deegaannada Puntland.

C/fitaax Cumar Geedi,
Idaacada Daljir.

Daljir.com

FAALLOOYIN & FALCELIN

WORDPRESS: 0
WP2Social Auto Publish Powered By : XYZScripts.com