Gen Cali Nuur oo mar kale la wareegay taliska ciidanka Asluubta Puntland

Garowe, Mar 16 – Taliyihi hore ee Ciidamada Police-kaiyo Asluubta Puntland Gen.Cali Nuur Cumar Saalax ayaa mar kale loo magacaabay xilka Taliyaha Asluubta e dowladda Puntland ,iyadoo uu si rasmi ah xilka ula wareegay.

Munaasabad ka dhacday magaalada Garoowe ee caasiamadda dowladda Puntland ayuu xilka Taliyaha Asluubta kala wareegay Col.Maxamed Siciid Jaqanaf oo isku hayey labada jago ee kala ah Taliyaha Police-ka iyo Asluubta .
tan iyo markii uu iscasilay Gen.Cali Nuur.

Iyadoo la kala qaaday labadda Talis ee Police-ka iyo Asluubta ee Puntland ayaa Col.Maxamed Siciid Jaqanaf sii ahaanayaan Taliyaha ciidamadda Police-ka ee dowladda Puntland

Saraakil sare oo ka socotay Qaramada Midoobay gaar ahaan Hay?ada qaabilsan la dagaalanka dambiyada iyo daroogada ee UNODC ayaa goobjoog ka ahayd xilwareejinta munaasbada,waxayna sheegeen in ay soo dhoweynayaan in xilka uu dib ugu soo noqdo Gen.Cali Nuur Cumar saalax .

Taliyihi hore ee Ciidamada Booliska iyo Asluubta Puntland Gen.Cali Nuur ayaa xilka iska casilay bishii bishii November ee sanadkii hore.

Diiwaanka Wararka
Daljir, Bossaso.

Daljir.com

FAALLOOYIN & FALCELIN

WORDPRESS: 0
WP2Social Auto Publish Powered By : XYZScripts.com