Boqor Cismaan Maxamuud Buur-Madow oo maanta lagu xiray Hargaysa

Hargaysa, Mar 15- Boqor Cismaan Maxamuud Buur-madow oo ka mid ah hogaamiye dhaqameedka waawayn ee deegaanada Soomaaliland ayaa maanta laga xiray garoonka diyaaradaha ee magaalada Hargaysa, isagoo xiligaasi ka yimid dalka Imaaraatka Carabta.

Wasiir kuxigeenka Arrimaha Gudaha Somaliland Cismaan Garaad Soofe ayaa ku tilmaamay sababaha loo xiray Boqor Buur-madow inay tahay, isagoo waday falal ka dhan ah Ammaanka, isla markaana arrimo kasoo horjeeday Qaranimada Somaliland ka waday dibedda.

Boqor Cismaan Maxamuud Buurmadow oo ka mid ah hogaamiye dhaqameedka Somaliland ayaa inta badan looga bartay inuu ka hadlo siyaasadda deegaanada uu kasoo jeedo ee Somaliland.

Boqor Cismaan Buur-madow ayaa marar badan eedeyn kulul saxaafadda u mariyay madaxwaynaha maamulka Somaliland Axmed Maxamed Siilaanyo, waxaana xilliga la xirayay oo uu kasoo dagay garoonka diyaaradaha ee magaalada Hargaysa soo dhoweynayay dadwayne iyo salaadiin badan oo kasoo jeeda deegaanada Somaliland.

Qaar ka mid ah cuqaasha ka qaybqaadanaysa soo dhoweynta boqor Buur-madow ayaa cambaareeyay xariga Boqor Buur-madow.

Diiwaanka Wararka
Daljir, Bossaso.

Daljir.com


Posted

in

by

Tags:

Comments

U dhaaf Halcelis

Negelka email-kaaga lama faafin doono. Godadka faralka ah waxaa lagu suntay *

WP2Social Auto Publish Powered By : XYZScripts.com