Gen. Cabdirisaaq Afguduud oo Daljir uga waramay Caqabadaha Amni ee Puntland ka jira [ DHAGAYSO]

Axad, May 10, 2015 (Daljir) —  Gen Cabdirisaaq Maxmuud Yuusuf Afguduud oo xilal sare oo xagga ciidanka ah ka soo Qaybtay Puntland iyo dawladda dhexe ee federaalka oo galabta waraysi siiyey Radio Daljir ayaa ka xog-warramay caqabadaha amni ee Puntland iyo wadiiqada ugu habboon ee maaro loogu heli karo.

Generalku, waxaa uu sheegay dhibaha amni ee Puntland in ay yihiin kuwo fudud oo aan waxyeelow guud ku reebi karin Puntland, hase ahaatee ay lagama maarmaan tahay siyaasad cad oo amni iyo mid ciidan in laga yeesho si maaro loogu helo isku day kasta oo amniga wax u dhimmi kara.

Afgaduud, waxaa uu waraysigaas ku soo hadalqaaday in ciidamada Puntland ay yihiin kuwo ku filan ama deeqa sugidda nabadgalyada Puntland, balse loo baahan yahay daboolidda god-daloolooyin ay suuragal tahay in ay sahli karaan dhicitaanka falalka di lama weerar ee horay loo arkay, waxaana waraysatay Faadumo Taxadar.

Qayb labaad oo isla waraysigaasi ka mid ah dhegaystayaal waxaad ku maqli doontaan barnaamijka Saaka iyo Dunida oo subax walba soo gala saacaddu markay tahay  6;15 daqiiqo.

 

Dhagayso

 

FAALLOOYIN & FALCELIN

WORDPRESS: 0
WP2Social Auto Publish Powered By : XYZScripts.com