
Nairobi, November 3, 2013 – Garsoorayaal kuwa maxkamadaha ah oo uu hugaaminayo gudoomiyaha Maxkamada sare ee dalka Soomaaliya mudane Caydiid ilka-xanaf ayaa u amba-baxay magaalada Nairobi ee caasimada dalka Kenya.
Gudoomiye Caydiid ilka-xanaf oo saxaafada kula hadlay garoonka diyaaradaha ee Muqdisho, waxaa uu sheegay in ay ka qayb-gelayaan shirar laga yeelanayo horumarinta garsoorka? iyo sharciyo? ku saabsan la dagaalanka Burcad-badeeda oo ka dhacaya Nairobi iyo Jabuuti.
?Muhiimad wayn ayey noo leeyihiin shirarka looga hadlayo garsoorka weliba kuwa Burcad-badeeda ee ka dhacaya Nairobi iyo Jabuuti.? Ayuu yiri gudoomiye Ilka-xanaf.
Soomaaliya ayaa ku rajo wayn in ay yeelato maxkamad balaaran oo kuwa Burcad badeeda ah, waxaana haatan Nairobi ka furmaya shir arrimahaas looga hadlayo oo ay ka qayb-gelayaan, Kenya, Yeman, Jabuuti iyo Soomaaliya.
Diiwaanka wararka
Radio Daljir
FAALLOOYIN & FALCELIN