Dakhaatiirta Puntland oo qaadacay ururka dakhaatiirta Soomaaliya oo laga dhisay Muqdisho

Garoowe, November 3, 2013 – Maalmo ka hor magaalada Muqdisho ee caasimada Soomaaliya waxaa looga dhowaaqay ururka midowga Takhaatiirta Soomaaliyeed, balse waxaa si cad u qaadacay qorshahaas dakhaatiirta ku sugan Puntland.

Dr. Cabdirisaaq Cartan oo ah gudoomiyaha ururka dakhaatiirta gobolka Nugaal ee Puntland oo la hadlay idaacada Daljir, waxaa uu sheegay in aysan macquul ahayn in la isaga dhawaaqo magaca ururka dakhaatiirta Soomaaliyeed iyadoo aan laga tashan.

?Ururka dhakhaatiirta Soomaaliyeed wuxuu ka samaysmi karaa marka loo wada tashto si guud, Soomaaliland iyo Puntland waxaa ka jira ururo lagu midaysan yahay, sidoo kale gobollada dalka sidaas oo kale ayaa ka jirta, waxaan ka digaynaa in si khaldan loo maamulo dannaha dakhaatiirta dalka.? Ayuu yiri Dr. Cartan.

Ugu dambayntii waxaa uu sheegay in ay jiraan ururro kuwa dakhaatiirta ah oo ka jira inta badan gobollada dalka, iyo meelaha ay maamulada dalku ka jiraan, waxaa uu nasiib daro ku tilmaamay in aan laga wada-tashan danta guud, sida uu hadalka u dhigay.

Diiwaanka wararka

Radio Daljir

Daljir.com

FAALLOOYIN & FALCELIN

WORDPRESS: 0
WP2Social Auto Publish Powered By : XYZScripts.com