Garoonka diyaaradaha ee Boosaaso oo dhismihiisa la bilaabayo (Dhegayso)

Boosaaso, 28-Sep-2013, Wasiir kuxigeenka Wasaaradda Duliista hawadda & garoomadda ee Puntland Md Cabdiqani Diiriye oo ka hadlayey shir lagu qabtay magaalada Boosaaso oo looga hadlayey dhismaha garonka diyaaradaha ee Bender Qaasim International Airport ayaa sheegay in hada ay bilaabatay dhamaystirka dhismaha garoonka diyaaradaha ee Boosaaso.

Garoonka diyaaradaha ee magaalada Boosaaso oo dhismihiisu bilaabanayo ayuu sheegay Wasiir kuxigeenku in maalinta beriya la keeni doono khuburo ku takhakhusay dhismayaasha garoomadda caalamiga ah kuwaasoo qiimayn ku samayn doona dhamayrtirka garoonkan.

Ayaan Xaaji Ladane oo kamid ah qurbajoogta Puntland ee dalka dib ugu soo laabtay ayaa hadalo guubaabo ah kajeedisey shirkan looga hadlayey dhismaha garoonka diyaaradaha ee magaalada Boosaaso.

Ugu danbayn waxaa kulanka soo xidhay Wasiirka Dekedaha & gaadiidka Badda ee Puntland Md Siciid Maxamed Raage isagoo sheegay in Dawladu juhdi badan gelisey dhismaha Garoonka diyaaradaha ee magaalada Boosaaso.

Garoonka Diyaaradaha ee magaalada Boosaaso ayaa mudo badan qabyo ahaa iyadoo uusoo maray marxalado kala duwan, waxaana xiligan la sheegayaa in la dhamaystirayo dhismaha dhabaha diyaaraduhu ku ordaan ee loo yaqaan Runway ga .

Diiwaanka Wararka

Radio Daljir

Buuhoodle?

?

?

FAALLOOYIN & FALCELIN

WORDPRESS: 0
WP2Social Auto Publish Powered By : XYZScripts.com