Ganacsatada kasoo jeedda deegaamada Koonfur Galbeed Soomaaliya ee magaalada Qardho ayaa wax laga xumaado ku tilmaamay xasuuqii xalay koox hubaysan ay ugu gaysteen xaafadda Baraxley ee Koonfurta Gaalkacyo sagaal qof oo ka mid ahaa dadka deegaanadaasi ku ganacsan jiray.

Cabdi Cismaan Ibraahim oo ah afhayeenka dadka Koonfur Galbeed ee gobolka Karkaar ayaa waxaa uu sheegay inuu marka hore tacsi la wadaagayo ehelada ay ka baxeen raggii lagu laayay koonfurta Gaalkacyo.

Waxaa uu ku tilmaamay dadka geeriyooday inay ka dhinteen Soomaali oo dhan, isagoona sheegay qofka walba oo Soomaali ah ka damqanayo, culimada Puntland ayuu ku booriyay inay la saftaan shacabka la xasuuqay oo ay ka hadlaan.

Cabdi Cismaan ayaa sheegay in dilal is xigxigay loogu gaystay Galmudug dad kasoo jeeda Koonfur Galbeed, iyadoo uu dhowaan madaxa golaha xukuumadda ee Galmudug Sheekh Shaakir uu 24 saacadood uu u qabtay dadka Koonfur Galbeed inay uga baxaan Galmudug.

Xildhibaanada Koonfur Galbeed kasoo jeeda ayuu sheegay in looga baahanyahay inay arrimahan ka hadlaan oo ay wax ka qabtaan, isagoona ku dhaliilay inay indhaha ka qabsanayaan dhibaatooyinka loogu gaysto Galmudug.

Hoos kadhegayso

Leave a comment

Negelka email-kaaga lama faafin doono. Godadka faralka ah waxaa lagu suntay *