Gacan ku Dhiigle Soomali ah oo lagu Xukumay Ingiriiska

Talaado, Ogoosto 11, 2015 (Daljir) — Maxkamad ku taallo magaalladda  Glasgow ee dalka Britain waxay Xabsi daa’in ku xukuntay Eedeysane lagu magacaabo Mohamed Ahmed, loona yaqaano  Jamaal Saciid, kadib, markii lagu helay inuu Marxuum la oran jirey Mohamed Abdi ku dilay caasimadda Gobalka Scotland ee Edinburgh taariikhdu markay ahayd bishii May 26-dii ee sannaadkii 2013-kii.

Boliska magaalladda Edingburgh ayaa qabtay Gacan-ku-dhiiglaha markii uu ka soo laabtay Somalia oo uu u baxsaday isla markii uu dilkaasi geystay.

Dhinaca kale, Maxkamadda magaalladda Glasgow waxay Kiiska dilka Marxuum Mohamed Abdi horey ugu xukuntay Saddex Eedeysane oo lagu kala magacaabo Mohamoud Muhumad, Caadil Hussien iyo Hussien Ali,kuwaasi oo lagu helay inay ku lug laahaayeen falka lagu dilaay Marxuumka.

Eedeysanayaashaasi waxay ku jiraan Xabsiga, iyadoo midkiiba lagu xukumay 25 sanno  oo Xabsi ah.

Qoraalka Maxkamadda ayaa lagu muujiyey in Gacan-ku-dhiiglaha iyo Eedeysanaha  xubno ka  wada tirsanaayeen Koox Burcad ah oo ka ganacsata Daroogadda. 

 

Daljir.com

FAALLOOYIN & FALCELIN

WORDPRESS: 0
WP2Social Auto Publish Powered By : XYZScripts.com