Madaxweynaha Dowladda Puntland oo Burtinle iyo Xarfo lagu soo dhaweeyay

Talaado, Ogoosto 11, 2015 (Daljir) — Madaxweynaha Dawladda Puntland Dr.Cabdiweli Maxamed Cali Gaas iyo wefdi balaaran oo uu hogaaminayo ayaa maanta oo ay taariikhdu tahay 11-8-2015 siweyn loogu soo dhaweeyey Degmooyinka Burtinle Iyo Xarfo oo ka kala tirsan Gobolada Nugaal iyo Mudug ee Puntland.

Wefdiga Madaxweynaha oo ka kooban Wasiiro iyo saraakil katirsan Madaxtooyada Puntland ayaa ugu horeyn waxaa si diiran loogu soo dhaweeyey Degmada Burtinle ee Gobolka Nugaal, waxaana soo dhaweyntooda si hambsami leh uga qeyb-qaatay Maamulka Degmada , Waxgarad, Cuqaal, Haween, Dhalinyaro iyo masuuliyiin kale duwan.

Soo dhaweyn kadib ayaa madaxweynaha loo gudbiyey hoyga uu Degmada Burtinle ka daganyahay Islaan Bashiir Islaan Cabdulle oo uu halkaas ku soo salaamay , islaanka ayaana si balaaran madaxweynaha hoygiisa ugu soo dhaweeyey.

Intaas kadib ayaa Madaxweyne Gaas iyo wefdiga uu hogaaminayo u soo socdaaleen Degmada Xarfo, waxaana halkaas ku soo dhaweeyey Maamulka Degmada, Waxgarad, Cuqaal, Isimo, Haween , Dhalinyaro iyo masuuliyiin kale oo diyaar garow xoogan ugu jiray soo dhaweynta Madaxweynaha.

Socod dheer ayaa madaxweynuhu waxaa uu kumaray laamiga weyn ee Degmada Xarfo , halkaas oo ay ku sugnaayeen Dadweyne aad u badnaa oo si hambsame leh ugu diyaarsanaa in Madaxweynahooda ay ku soo dhaweeyen Degmada .

Madaxweyne Gaas oo meel fagaare ah kula hadlay dadweynihii ka soo qeyb-qaatay soo dhaweyntiisa ayaa uga mahadceliyey sida wanaagsan ee ay u soo dhaweeyeen, isagoona ku amaanay kaalinta wanaagsan ee ay ka qaateen horumarinta Degmada Xarfo ee Gobolka Mudug.

 

 

Daljir.com

FAALLOOYIN & FALCELIN

WORDPRESS: 0
WP2Social Auto Publish Powered By : XYZScripts.com