Gaalkacyo iyo Dil Kale, Camay Kabacdi

Gaalkacyo iyo Dil Kale, Camay Kabacdi

Waxaa Caawa fiidkii Gaalkacyo lagu dilay Xasan Cali Geele oo kamid ahaa Ciidanka Nabadsugida ee Gobolka Mudug. Ma cadda sida dilku u dhacay waxay se dhinacyo kala duwan oo aan la hadalnay sheegeen in sarkaalka ay dileen koox bastoolado ku hubaysan.

Taliyaha Qaybta Booliska ee Gobolka Mudug oo aan taleefoon ku helnay ayaa isna xaqiijiyey dilka sarkaalkan nabadsugida gobolka ka tirsanaa wuxuuna intaas ku daray in goor dambe ay Saxaafada la hadli doonaan.

Dilka sarkaalkan ayaa ku soo beegmaysa xili maalmo yar kahor uu tababar uga furmay magaalada Gaalkacyo ciidan isku dhaf ah oo ka kala tirsan maamulada Puntland iyo Galmudug. Sida uu sheegay MKX Camay mushaaraadka ciidamada saddexda bilood ee soo socota waxaa bixin doonta Puntland.

Diiwaanka wararka

Radio Daljir

FAALLOOYIN & FALCELIN

WORDPRESS: 1
  • Dufku ba maamulka mudug qeybta puntland dadkii Waa la dhameeyey hadeydaan amaanka magaalada galkacyo qeyba puntland sugi karin ku wareejiya beelaha puntland dega qeyba waqooyiga gabalku markuu dhaco xaafadii lagu arko qof aan dageneyn waa ney xiraan kii carara toogtaan waa alshabaab baraxley ka yimiye

WP2Social Auto Publish Powered By : XYZScripts.com