Farmaajo iyo Tharesa May Oo Maanta Shir Gudoominaya Shirka Soomaalida ee London

Madaxweynaha Soomaaliya Maxamed Maxamed Cabdullaahi Farmaajo iyo Ra’iisal wasaaraha dalka Ingriska Tharesa May ayaa maanta si wadajir ah ushir gudoomin dooma shirka looga hadlaayo Arimaha Soomaaliya ee maanta ka furmaya London ee Dalka UK.

Shirkaan ayaa ah mid mudoyinkii ugu danbeeyay Abaabulkiisa laga dareemayay dalalka Soomaaliya Taageera oo ay ugu horeyso Boqortooyada Britain.

Magaalada London ee xarunta England ayaa waxaa ku sugan hogaamiyaasha Soomaalida iyo Xubno matalaya Beesha Caalamka waxaana la filayaa markii uu shirka soo dhamaado in laga soo saaro war-murtiyeed ku saabsan Waxyaabaha looga hadlay.


Posted

in

by

Tags:

Comments

One response to “Farmaajo iyo Tharesa May Oo Maanta Shir Gudoominaya Shirka Soomaalida ee London”

  1. shirka london ka furmay maanta waxan rajenyaa in uu guul ku dhamaado

U dhaaf Halcelis

Negelka email-kaaga lama faafin doono. Godadka faralka ah waxaa lagu suntay *

WP2Social Auto Publish Powered By : XYZScripts.com