Faah Faahi: Tirada dadkii ku dhintay Qaraxyadii ka dhacay dalka SiriLanka oo korortay

HomeWararka

Faah Faahi: Tirada dadkii ku dhintay Qaraxyadii ka dhacay dalka SiriLanka oo korortay

260 qof ayaa ku dhimatay 450 qof oo kalena dhaawac aya ka soo gaaray weeraradii mowjadaha ahaa ee shalay lala beegsaday Hoteelo iyo Kaniidaso lagu c

Wasiirka Maaliyadda DFS oo kormeeray goobo ciidamadda lagu diwaangaliyo
Ammaanka Gobolka Banaadir oo Gole Gaar ah Loo Xil Saaray (dhegayso)
Falanqeyn: Maxaa laga fili karaa doorashada Jubaland?

260 qof ayaa ku dhimatay 450 qof oo kalena dhaawac aya ka soo gaaray weeraradii mowjadaha ahaa ee shalay lala beegsaday Hoteelo iyo Kaniidaso lagu cibaadaysto oo ku yaalay dalka SiriLanka.

Ciidamada cirka ee dalka SiriLanka ayaa waxa ay ku guulaysteen in ay fur furaan Bam lagu qariyay garoonka diyaaradaha ee Katunayake Airport.

Weerarada qaraxyada ah ee ka dhacay dalkaasi ayaa waxaa la soo sheegay in dadka ku dhintay ay ku jiraan ajaaniib udhalatay dalalka Hindi ah,Turkiga, iyo Britain kuwaas oo gaarayay ilaa iyo 35 qof.

Dalka SiriLanka ayaa waxaa saaran bandow, waxaana aad loo adkeeyay xuduudaha dalkaasi uu lawadaago wadamada dariska la ah.

Majirto ilaa iyo hataan cid sheegatay mas,uuliyada weerarada ka dhacay dalkaasi SiriLanka, balse waxaa looga shakisan yahay kooxda Daacish.

COMMENTS

WORDPRESS: 0
DISQUS: