Dowladdaha Masar iyo Soomaaliya oo heshiis kala saxiixday (Sawiro)

Dowladdaha Masar iyo Soomaaliya oo heshiis kala saxiixday (Sawiro)

Ra’isul-wasaaraha dalkaasi, Dr. MustafaMadbuli waxa uu hadalkaasi ka sheegay mar uu maanta Xafiiskiisa ku qaabilay Wasiirka Arrimaha Dibedda iyo Iskaashiga Caalamiga ee DFS, Axmed Ciise Cawad iyo xubno la socday oo maalmahan booqasho ku joogay caasimadda dalkaasi ee Qaahira.

Kulankaasi waxaa goobjoog ka ahaa Kaaliyaha Xoghayaha Arrimaha Dibedda Masar ugu qaabilsan Arrimaha Qaraadda Afrika, Abubakar Xafni iyo Danjiraha Somalia u jooga dalkaasi, C/qani Maxamed Wacays.

Afhayeenka rasmiga ee Golaha Wasiiradda ee dalka Masar, Naadir Sacad oo Saxaafadda la hadlay, kulanka Kulankaasi ayaa sheegay inuu Ra’isul-wasaare Dr. Mustafa Madbuliballanqaaday inay DFS ka taageeri doonaan dhamaan dhinacyadda kala duwan, oo ay ugu horreeyaan xaqiijinta Ammaanka, Deganaanshaha, Taageeradda Farsamada, dadaalka Dhismaha Dowladnimo, Deeqaha W/barashadda ee Ardayda Soomaaliyeed, Tababarka Ciiddamadda, a Xoolaha iyo arrimo kale.

Afhayeenka waxa kale oo uu tilmaamay inuu Ra’isul-wasaaruhu sheegay inuu faraca Bangiga Masar (Banque Misir) laga furi doono gudaha Somalia, si uu kaalin uga qaato Dhaqdhaqaaqa Ganacsiga iyo Maaliyadda ee macaamilka u dhexeeya labada waddan.
Sidoo kale, Ra’isul-wasaaraha Masar,Dr. Mustafa Madbuli waxa uu tilmaamay bahaida lo oqabo in la kordhiyo heerka Is-dhaafsiga Ganacsiga ee labada dal, gaar ahaan Xoolaha nool ee Somalia iyo in Hilibka loo soo dhoofiyo Masar.

Dhinaca kale, qaabilay Wasiirka Arrimaha Dibedda iyo Iskaashiga Caalamiga ee DFS, Axmed Ciise Cawa o oka hadlay Kulankaasi waxa uu ka hadlay Xiriirka Taariikhiga ee Labada Waddan iyo Doorkii Masar ka qaadatay Xorriyadda dalka Somalia.

Waxa uu tilmaamay inay Masar had iyo jeer ahaayeen kuwa ugu wanaagsan ee Taageeradda siiya dadka Soomaaliyeed, wuxuuna ka mahad celiyey Wasaaradda Arrimaha Dibedda Masar ee xoojinta Xiriirka Somalia ee dhowrki isanno ee la soo dhaafay.

Wasiir Cawad waxa kaloo uu xusay inay Somalia mudnaan sare siinayso Iskaashiga Masar, lagana shaqeynayo sidii loo kordhin lahaa Mujtamaca Ganacsiga ee labada dal.

Sawiro.



FAALLOOYIN & FALCELIN

WORDPRESS: 0
WP2Social Auto Publish Powered By : XYZScripts.com