Erdogan oo balanqaaday howlgalo ka dhan ah Kurdiga Suuriya

Erdogan oo balanqaaday howlgalo ka dhan ah Kurdiga Suuriya

Madaxwaynaha Turkiga Recep Tayyip Erdogan ayaa balanqaaday inay dowladdiisa ay cusboonaysiinayso howlgalo ka dhan ah kooxda Kurdiyiinta ee Suuriya ka dagaalama, si looga ilaaliyo inay usoo dhowaadaan xuduudka dalkiisa uu la wadaago Suuriya.

 

Isagoo khudbad ka jeedinayay magaalada Bursa ayaa waxaa uu ku sheegay inuu go’aankan ku wargaliyay dowlada Mareykanka iyo Ruushka, mana sheegin xiliga la bilaabayo howlgalada.

Turkiga ayaa horay looga digay inuu weeraro militari ka fuliyo bariga wabiga Euphrates , kadib markii Mareykanka ay isku raaceen in aagaas laga dhigo goob caagan.

Xukuumadda Ankara ayaa ku eedaysay Washington inay xagal daaxinayso hanaankaasi, iyadoo xiriir dhow la leh kooxda YPG ee ka dagaalanta Suuriya.

 

FAALLOOYIN & FALCELIN

WORDPRESS: 0
WP2Social Auto Publish Powered By : XYZScripts.com