Drs, Maryam ? Go?aanka MSF wuxuu aad u taabanayaa carruurta iyo haweenka xanuunsan ee dalka?

Muqdisho, August 16, 2013 – Wasaarada adeega bulshada Dowladda Federaalka ah ee Soomaaliya ayaa walaac ka muujisay joojinta adeegyadii hay?ada dhaqaatiirta aan xuduuda lahayn ee MSF, taasi oo ku dhawaaqday in aysan ka howl-geli doonin Soomaaliya.

Kulankii golaha wasiirada ee shalayto ayaa waxay wasiiradu ka doodeen joojinta adeegyadii caafimaad ee Hay?ada dhakhaatiirta aan xuduuda lahayn ee MSF, waxaana dowladda Soomaaliya sheegtay in ay walaac xoog leh ka qabto arintaasi.

Wasiirka adeega? bulshada dowladda federaalka ah ee Soomaaliya Maryam Qaasim oo saxaafada la hadashay kulanka kadib, waxay sheegtay in arintaasi ay saameyn xoog leh ku yeelanayso nolosha boqolaal kun oo Soomaali ah oo jooga gudaha dalka.

Drs. Maryam ayaa tiri ?Go?aankan wuxuu si gaar ah u saameynayaa carruurta iyo haweenka Soomaaliyeed oo ka faa?ideysan jiray howlaha caafimaad iyo gargaar ee hay?adda MSF ka haysay dalka?

Dowladda Soomaaliya waxay MSF ku amaantay sida ay ugu dhabar adaygtay howlaha ay ka haysay Soomaaliya mudadii 22 sano ahayd ee dalku bur burka ahaa, Hay?adu waxay howlo caafimaad iyo kuwo daryeel bulsho isugu jira ay ka haysay meelo ka mid ah dalka haba u badnaatee gobollada koonfureed.

Diiwaanka wararka

Radio Daljir

Daljir.com

FAALLOOYIN & FALCELIN

WORDPRESS: 0
WP2Social Auto Publish Powered By : XYZScripts.com