Dowladda Soomaaliya oo ku guulaysatay in la dejiyo xoolaha ku xayiran dekedda Jidah

Dowladda Soomaaliya oo ku guulaysatay in la dejiyo xoolaha ku xayiran dekedda Jidah

Dowladda Faderaalka Soomaaliya ayaa sheegtay inay ku guulaysatay in xoolaha laga rogo markab kasoo shiraacday dekedda magaalada Berbera oo ku xayirnaa dekedda Jiddah ee Sacuudi Carabiya.

Raysal wasaare kuxigeenka dowladda faderaalka Soomaaliya Mahdi Maxamed Guuleed Khadar ayaa warbaahinta u sheegay dowlada Sacuudiga inay ku wargeliyeen markabkan oo ay  saarnaayeen labataan kun oo neef oo arri ah in laga dejiyo, wixii ka dambeeya lasii xoojiyo heshiiska dowladda Soomaaliya iyo Sacuudi Carabiya.

“Waxaan ku guuleysanay in xayiraada laga qaado markabkii Xoolaha siday ee ku xayirnaa Dekeda magaalada Jeddah”ayuu yiri Ra’iisul Wasaare Kuxigeenka.

Waxaa uu intaasi ku daray labada dowladood ee Soomaaliya iyo Sacuudiga inay ku heshiiyeen in xoolaha lasoo marsiiyo dowlada Soomaaliya si warqadda aqoonsiga usiiso xoolaha dalka ka dhoofaya.

 

FAALLOOYIN & FALCELIN

WORDPRESS: 0
WP2Social Auto Publish Powered By : XYZScripts.com