HomeUncategorized

Dowladda Soomaaliya oo ku baaqday shirweyne looga tashanayo amaanka iyo la dagaalanka Al-shabaab

Muqdisho, July 22- 2013 - Dowladda federaalka ah ee Soomaaliya ayaa diyaarisay qorshe cusub oo looga tashanayo guud ahaanba amaanka dalka, si wax looga qabto weerarada soo noq noqda ee ay geystaan kooxda Al-shabaab.

Isku-duwihii wasaaradda amniga Puntland ee gobolka Mudug ayaa caawa Galkacyo lagu dilay.
Labada Shariif oo mar 3-aad kulmay, kuse kala kacay fadhigii.
AMISOM oo Raali-galin ka bixisay Dilka dad shacab ah oo ay ku toogteen Marka

Muqdisho, July 22- 2013 – Dowladda federaalka ah ee Soomaaliya ayaa diyaarisay qorshe cusub oo looga tashanayo guud ahaanba amaanka dalka, si wax looga qabto weerarada soo noq noqda ee ay geystaan kooxda Al-shabaab iyo dagaalada ka dhanka dowladda oo ?ka dhaca meelo ka mid ah dalka.

War-bixin lagu baahiyey warbaahinta dowladda federaalka ah ee Soomaaliya ayaa lagu sheegay in dhowaan la qaban doono shir weyne Qaran, kaasi oo bulshada qeybaheeda kala gedisan loogala tashan doono qaabka loo sugi karo amniga dalka.

Wasiirka arimaha gudaha iyo amniga qaranka Cabdikariin xuuseen Guuleed oo shirkaasi shaaciyey wuxuu sheegay in muhiimada ugu weyn ay tahay in la helo talo mideysan, iyo in dadku si isku mid ah uga sinaadaan sidii loola dagaalami lahaa kooxda al-shabaab.

?? Qorshuhu wuxuu yahay shirweyne looga hadli doono amniga gudaha iyo sida loo xasilin karo dalka, waxaan filayaa in shirkaasi ay ka soo bixi doonaan qodobo waa weyn, iyo in laga hortago cidii qoriga wax ku muquuninaysa sidii wadajir la isaga dhicin lahaa? ayuu yiri Mudane Guuleed.

Magaalada Muqdisho ee caasimada dalka ayaa waxaa maalmihii tegey ka dhacay dhowr weerar oo waa weyn, waxaa toddobaadyadii ina dhaafay la qarxiyey xaruumihii waa weynaa ee hay?adaha Qaramada Midoobey iyo meelo muhiim u ah bulshada, taas oo keentay in il gaar ah lagu qabto amaanka dalka.

?

Diiwaanka wararka

Radio Daljir

Daljir.com

COMMENTS

WORDPRESS: 0
DISQUS: