Dowladda Soomaaliya oo ka laabanaysa Heshiiska ay kula jirto Shirkadda Soma Oil & Gas

Khamiis, Ogoosto 27, 2015 (Daljir) — Wargeyska The Wall Street Journal ee ka soo baxa dalka Maraykanka  ayaa qoray in si hoose loogu soo dusiyey Dukumenti Qarsoodi ah oo ay Dowladda Federalka ka soo saartay Heshiiska Fadeexadda abuuray eel ala galay Shirkadda Soma Oil and Gas ee laga leeyahay dalka Britain.

Warbixintaasi aayaa ah calaamadii ugu horreysay ee lagu muujiyey Heshiiska lala galay Shirkadda Soma Oil and Gas, taasi oo ay Dowladda Federalka ka muujisay walaac xooggan.

Dukumentiga oo la sheegay inuu qoray La-taliyaha dhinaca Sharciga ee Wasaaradda Batroolka Somalia, Abdixaliim Abdirahman ayaa waxay sare u qaadaysaa qeyb ka mid ah qaabka ay Shirkadda Soma Oil and Gas u bixiyeen Kharajka muranka iyo fadeexadda horseeday.

Waxa uu tilmaamay in lacagta ay Shirkadda mushaar ahaan loo siiyey shaqaalaha Wasaaradda Batroolka iyo lacagta kale ee dhinaca Kharajka Sharciga loo siiyey Garyaqaan Jay Park in laga yaabo in laga yaabo inay horseedo khilaaf dhinaca Danaha.

Wargeyska The Wall Street Journal waxa uu qoray in Warbixinta Dowldda Somalia  lagu soo gebagebeeyey Arrinta Xilliga Saami-qeybsiga Kharajka Shidaalka, iyo inuu aad u hooseeyey qaabka loo qortay Heshiika ay Dowladda Somalia iyo Shirkadda Soma Oil and Gas horey u kala saxiixdeen.

Dukumentiga ayaa lagu sheegay in qaabka heshiiska loo qoray uu liito, isla markaana hal dhinac yahay qaabka ay Somalia u helayso Dakhliga ka soo xerooda Shidaalka.

Warbixinta waxaa kaloo lagu sheegay inuusan dhamaystirnayn heshiiskaasi, loona baahan yahay in Wada-xaajood kale laga galo Saami-qeybsiga Macaashka Shidaalka.

Dhinaca kale, Afhayeenad u hadahsy Shirkadda Soma Oil and Gas ayaa u shegtay Wargeyska the Wall Street Journal inaanmarnaba la isku raacin Heshiiska Qeybsiga Macaashka Shidaalka Somalia.

Daljir.com

FAALLOOYIN & FALCELIN

WORDPRESS: 0
WP2Social Auto Publish Powered By : XYZScripts.com