HomeUncategorized

Madaxweyne Gaas oo Maanta Kormeeray goobo uu kamid yahay xabsiga weyn ee Gaalkacyo

Khamiis, Ogoosto 27, 2015 (Daljir) — Madaxweynaha Dawladda Puntland Dr.Cabdiweli Maxamed Cali Gaas ayaa maanta oo ay taariikhdu tahay 27-8-2015 kormeeray Xabsiga weyn , Xerada siinaay , ciidanka kamaan doosta ee Garoonka diyaaradaha ee Cabdullaahi Yuusuf iyo Hotel Kaah ee magaalada Gaalkacyo xarunta Gobalka Mudug.

?Dad Somali ah ayaa ku dhintay dagaalka maanta, qaarna waa la la?yahay? Qunsulka safaaradda Somalida ee Cadan.
Dowladda federaalka oo shaacisay in ay dhacayaan shirar kale oo la xiriira heshiiskii Adis-Ababa
DHEGEYSO-Warkii Fiidnimo ee Daljir iyo CC Geeddi.

Khamiis, Ogoosto 27, 2015 (Daljir) — Madaxweynaha Dawladda Puntland Dr.Cabdiweli Maxamed Cali Gaas ayaa maanta oo ay taariikhdu tahay 27-8-2015 kormeeray Xabsiga weyn , Xerada siinaay , ciidanka kamaan doosta ee Garoonka diyaaradaha ee Cabdullaahi Yuusuf iyo Hotel Kaah ee magaalada Gaalkacyo xarunta Gobalka Mudug.

Kormeerka ayaa waxaa madaxweynaha ku wehliyey qaar kamid ah Golaha xukuumadda Puntland, Saraakiil katirsan madaxtooyada Puntland iyo masuuliyiin kale.

Ugu horeyn Madaxweyne Gaas ayaa kormeeray Xabsiga weyn ee magaalada Gaalkacyo , waxaan halkaas salaam sharaf uu kaga qaatay cutubyo katirsan ciidanka asluubta Puntland, isagoona xaalada xabsiga warbixin ku saabsan ka dhagestay saraakiisha maamusha.

Waxaana uu sidookale qol qol ugu tagey maxaabiista ku xiran xabsiga, halkaas ayuuna madaxweynhu su’aalo ku weydiiyey maxaabiista , isagoona u kuurgalayey xaaladahooda iyo waxa ay ku suganyihiin.

 

Madaxweynaha ayaa amray in maxbuuskii aan si sharci ah u xirneyn si deg deg ah loogeeyo maxkamadd , loona qabto qareeno u dooda, hadii dambi lagu helana dib xabsiga loogu celiyo kii lagu waayana xoriyadiisa dib loo siiyo.

Intaas kadib ayaa Madaxweynuhu kormeeray xerada siinaay oo ay ku suganyihiin ciidamada ku dagaalama gaadiidka gaashaaman ee Puntland, kuwaasi oo u carbisan difaacida diinta, dadka iyo dalkooda , waxaana uu indha indheeyey qeybaha ay ka koobantahay xeradu.

Madaxweynaha ayaa sidoo kale kormeeray ciidanka kamaan doosta ee Garoonka diyaaradaha ee Cabdullaahi Yuusuf , halkaas ayuuna salaam sharaf markale ciidankaasi , isagoona warbixin la xiriirta xaaladda ciidanka ka dhageystay saraakiisha sare ee ciidankaasi.

Ugu dambeyn Madaxweynaha Dawladda Puntland Dr.Cabdiweli Maxamed Cali Gaas ayaa Hotel Kaah oo ku yaala xaafadda Garsoor ee magaalada Gaalkacyo kula qaxweeyey shacabkii halkaasi ku sugnaa, taasina waxaa ay kamarag ka caysaa amniga iyo kala dambeynta kajirta magaalada Gaalkacyo ee Xarunta Gobalka Mudug.

 

 

Daljir.com

COMMENTS

WORDPRESS: 0
DISQUS: