Booliska Gaarisa oo Gacanta ku dhigay Qof Al-shabaab nimo loo haysto

Khamiis, Ogoosto 27, 2015 (Daljir) — Sida saakay lagu soo daabacay Wargeyska The Daily Nation ee ka soo baxa magaalladda Nairobi, waxay Saraakiisha Ammaanka ee Garissa xalay gacanta ku dhigeen Nin lala xiriirinayo inuu ka tirsan yahay Dagaalamayaasha Xarakadda Alshabaab iyo kayd hub ah.

Wrgeyska waxa uu qoray in hubka lagu qabtay Eedeysanaha kala yihiin 3 qoriga AK 47, 227 xabbo oo rasaas ah, 4 bam gaacmeed iyo 7 Qoryaha laga rido Baasuukaha, dhowr Mobayl, miino-xambare iyo 4 xabbo ee Wargeysyadda Magazineska, waa sida u uqoray Wargeyska.

Qabashaddan ayaa imaanayso maalmo kadib, markii ay Boliska Garissa qabteen 6 nin oo u dhalatay dalka Tanzania, kuwaasi oo kaa gudbi lahaa xuduudka, si ay ugu biiraan Alshabaab.

Daljir.com

FAALLOOYIN & FALCELIN

WORDPRESS: 0