Dowladda Qatar oo casuumaad u fidisay madaxwaynaha Soomaaliya

HomeWararka

Dowladda Qatar oo casuumaad u fidisay madaxwaynaha Soomaaliya

Dowladda Qatar ayaa casuumaad u fidisay madaxwaynaha dowladda faderaalka Soomaaliya oo ka qaybgalaya shir gaar oo bishaan kadhacaya magaalada Newyork

Guddoomiyaha Golaha Shacabka oo khudbad ka jeediyay Shirka Baarlamaanada Afrika
Burtinle oo lagu soo dhaweyeey Suldaan Maxamuud Axmed Warsame (dhegayso| Sawiro)
Muuse Biixi Soomaalinimo wuu ka baxay!

Dowladda Qatar ayaa casuumaad u fidisay madaxwaynaha dowladda faderaalka Soomaaliya oo ka qaybgalaya shir gaar oo bishaan kadhacaya magaalada Newyork ee dalka Mareykanka.

Sii hayaha safiirka dowladda Qatar ee Soomaaliya Eng. Hassan Bin Hamza Asad Mohamed ayaa shalay casuumadda ku wareejiyay wasiirka arimaha dibadda ee Soomaaliya Yuusuf Garaad Cumar.

Sida lagu qoray bogga Facebooka ay ku leedahay wasaaradda arimaha dibadda Soomaaliya,  wasiirka iyo safiirka ayaa ka wada hadlay xoojinta xiriirka labada dowladood iyo iskaashi dhinacyada horumarka, dhanka kalena wasaaradda arimaha dibadda ayaa soo dhoweysay casuumaadda uga timid amiirka dowladda Qatar Sheekh Hamad Bin Khaliifa Al-tamiim iyo wasiirkiisa arimaha dibadda.

Dowladda faderaalka ee Soomaaliya ayaa door dhexdhexaad ah horay uga qaadatay xiisadda isbahaysiga Sacuudiga hogaamiyo iyo Qatar.

 

COMMENTS

WORDPRESS: 0
DISQUS: