Dowladda oo si rasmi ah ula wareegtay Amaanka Magaaladda dhuusamareeb

HomeWararka

Dowladda oo si rasmi ah ula wareegtay Amaanka Magaaladda dhuusamareeb

Munaasabad ballaaran oo maanta lagu qabtay magaalada Dhuusamareeb ee caasimadda dowlad gobaleedka Galmudug, ayaa lagu shaaciyay in guul wayn laga gaar

MAANHADAL: Go’aankii Puntland ee socodsiinta lacagta shiling Somaaliga & Shaqo la’aanta dhalinyarada (dhegayso)
Caawa & Daljir iyo Cabdifataax Cumar Geeddi, Daljir Garoowe (dhegayso)
Xulashada Daljir & Axmed Sheekeeye, Daljir Garoowe (dhegayso)

Munaasabad ballaaran oo maanta lagu qabtay magaalada Dhuusamareeb ee caasimadda dowlad gobaleedka Galmudug, ayaa lagu shaaciyay in guul wayn laga gaaray u diyaar garowga qabsoomidda shir-weynaha dib-u-heshiisiinta Galmudug, amniga magaaladana si buuxda loogu wareejiyay ciidamada dowladda federaalka Soomaaliya.

Kulan oo ay ka qayb galeen bulshada qaybaheeda kala duwan ayaa waxaa hadallo kooban ka jeediyay wasiirrada arrimaha gudaha iyo amniga gudaha, madaxa fulinta Galmudug, xildhibaan Mahad Salaad iyo guddoomiyaha guddiga qaban-qaabada dib-u-heshiisiinta Galmudug.

Ugu horreyn Wasiirka arrimaha gudaha, federaalka iyo dib-u-heshiisiinta DFS, Cabdi Maxamed Sabriye oo ka war bixiyay guulihii laga gaaray qorshihii socdaalka Ra’iisul Wasaare Xasan Cali Khayre uu Galmudug waayahaan ku joogay ayaa sheegay in natiijo wanaagsan laga gaaray amniga, isku dhafka ciidanka iyo dib-u-heshiisiinta loogu diyaar garoobayo doorasho lagu dhiso galmudug mideysan.

Wasiirka amniga gudaha xukuumadda federaalka Soomaaliya, Maxamed Abuukar Islow Ducaale, ayaa munaasabadda ka caddeeyay in maanta laga bilaabo si guud ciidamada dowladda federaalka ay mas’uul uga yihiin ammaanka magaalada Dhuusamareeb.

Madaxa fulinta Galmudug, Sheekh Maxamed Shaakir Cali Xasan, oo u mahad celiyay cid kasta oo qayb ka qaadatay guusha la gaaray ayaa ku bogaadiyay ciidamada amniga in ay ka shaqeeyaan ka guul gaaridda mas’uuliyadda xooggan ee dusha laga saaray, isaga oo ballan qaaday in si buuxda ay ula shaqeyn doonaan.

Xildhibaan Mahad Salaad oo munaasabadda goob joog ka ahaa ayaa arrinta ku tilmaamay guul kale oo taariikhi ah oo lagu dhammeystirayo dib u yagleelidda maamulka Galmudug, waxa uuna ballan qaaday in xildhibaannada deegaanku ay qayb ka qaataan ka guul gaaridda dib-u-heshiisiinta

Guddoomiyaha guddiga qaban-qaabadaha shir-weynaha dib-u-heshiisiinta Galmudug, Dr. Cabdiraxmaan Cabdullaahi Baadiyow ayaa madasha ka sheegay in guddigu ku faraxsanyihiin guushaan taariikhiga ah ee laga gaaray dhammeynta shakigii bulshada Galmudug ay muujinayeen ammaanka Dhuusamareeb, waxa uuna uga baaqay reer Galmudug dhammaan in ay shir-weynaha kasoo qeyb galaan oo ay aayahooda ka tashadaan.

COMMENTS

WORDPRESS: 1
  • NuurkaNederland 5 years ago

    KHAYRE & FARMAAJO BURBURIYE G/MUGUD LKN BAL CAR HA DHISAAN G/MUDUG IS OGOL OO TII HORE ISAGA DHOW.MA DHISI KARAAN HADAY DHISAANA WAA HADII AY KU QAADATO 2 SANO OODANBE WAABA HADII LOL KORDHIYO FARMAJO & KHAYRE MUDADO XILOODKOODA,.
    OK,
    MADAXDA SOMALIDU MA LEH ARAGTI SIYAASADEED OO QORAN OO AH UGU YARAAN SHANTA SANO EE AY JOOGAYAAN SANAD KASTA WAXA U QORSHAYSAN LKN SIDA HABAR CAANALEEY AH UUN BAY SOO JARMAADAAN DABADEEDNA WAXAY SUUQA KALA KULANTO SIDEEDII UUN BAY U XISAABTAMAAN!! SIYAASAD DAWLADEEDNA SAAS LAGUMA DHAQO & MAANTA MAXAYNU YEELAA EE WAA LOOSII FEKERAA,QORSHEEYAA,MIDA KALE QARASHKA LAGU BIXINAYEY BURBURINYTA G/MUDUG & DHISIDA G/MUDUG CUSUB MIDKOODNA MIISAANIYADA SANADKA KUMA JIRTO,OK,XAGEE KA KEENAY KHAYRE??MUSUQ AABIHII TAASI WAXAY MARAG CAD U TAHAY IN AY ARKAAN KALIYA MAALINBA WAXA JOOGA EE AYSAN QORSHE MIISAANIYADEED,SIYAASADEED LAHAYN.
    MIISAANIYADA LA ANSIXIYEY LAGUMA HAYO KHARASHKA KHAYRE ISTICMAALAYO? BAL WEYDIIYA.MA ISKA SOO XAABSO BAA?SIDA DUKAANKAAGII? 
    NO BODY KNOWS?.
    WAR WAXAAN WAA NALAKU SOO HABAARAY!!!.NALAKU SOO GAMAY!!!.
    DAWLADNIMADA LOOMA MAAMULO SIDA DUKAANKAAGII.
    SHAME ON YOU.
    OK.

    Ha ILAAWIN:
    ISIS=ISRAEL SECRET INTELLIGENCE SERVICE.
    ALSHABAB+CIA+MI6+UNDOM+JAMES SWAN=ONE.
    KEN O’KEEFE ex-U.S.MARINS SAYS:CIA,MI6,MOSSAD are ISIS.
    TRUMP SAYS:ZOINEST CREATER ISIS.
    I SAID:TERRORIST IS NOT MUSLIMS & ISLAMICE.100% sure .IWEYDII ANIGA,.

DISQUS: