Dowladda oo ka hadashay khasaarihii ka dhashay weerarkii Hotel SYL

Taliska Booliska Soomaaliyeed ayaa war saxaafadeed ka soo saaray weerarkii xalay fiidkii lagu qaaday Hotelka SYL ee ku dhow Xarunta Madaxyooyada, halkaasoo rag hubeysan oo ka tirsan Al-Shabaab ay qaab lug ah ku galeen.

War saxaafadeedka ka soo baxay Booliska ayaa lagu sheegay in shan dabley hubeysan ay soo weerareen Hotelka, kuwaasoo dhammaantood la dilay.

Sidoo kale War saxaafadeedka ayaa lagu sheegay in shan ruux ay ku geeriyootay oo labo ka mid ah ka tirsan yihiin Ciidanka qalabka sida, halka 3 qof kale shacab yihiin, waxaa ku dhaawacantay sagaal ruux oo labo askari yihiin.

Intii howlgalka socda ayaa waxaa la soo badbaadiyay dad gaaraya 80 ruux oo ahaa oo isugu jiray Shacab iyo rayid.

Waxaa dhaawacyo fudud soo gaaray Xildhibaan lagu magacaabo Magan, xildhibaano hore iyo Wasiir hore Sheekh C/qaadir Cali Cumar.

Akhriso.


Posted

in

by

Tags:

Comments

U dhaaf Halcelis

Negelka email-kaaga lama faafin doono. Godadka faralka ah waxaa lagu suntay *

WP2Social Auto Publish Powered By : XYZScripts.com