Xeebta Saylac oo lagu qabtay maraakiib Kalluumeysi

HomeWararka

Xeebta Saylac oo lagu qabtay maraakiib Kalluumeysi

Ciidammada Ilaalada Xeebaha Somaliland ayaa qabtay illaa Afar Markab oo si Sharci-darro ah uga kalluumaysanayey Biyaha Badda Somaliland. Afarta Mar

Mudaaharaadyo ka socda dalka Suudaan oo sii kordhaya
Guddiga Doorashooyinka Puntland oo Shir ku qabtay Boosaaso (dhegayso)
Saaka & Dunida iyo Maxamed Lakiman, Daljir Bosaaso (dhegayso)

Ciidammada Ilaalada Xeebaha Somaliland ayaa qabtay illaa Afar Markab oo si Sharci-darro ah uga kalluumaysanayey Biyaha Badda Somaliland.

Afarta Markab ee sida Sharci-darrada ah uga kalluumaysanayey Xeebaha Galbeed ee Somaliland ayaa waxa qabtay Ciidammada ilaalada Xeebaha ee fadhiisinkoodu yahay Gobolka Selel, sida uu sheegay Sarkaal ka tirsan Ciidamada Soomaaliland.

Maraakiibtan oo ay saarnaayeen Tobaneeye Shaqaale ah ayaa waxa laga leeyahay Dalka Masar.

Soomaaliland ayaa horay waxaa ay digniin ugu dirtay maraakiib ay sheegeen inay si sharci darro uga kalluumeystaan Xeebaha Soomaaliland,sidoo kalena Ajaanib ay ka masaafuriyeen deegaanadooda.

 

COMMENTS

WORDPRESS: 0
DISQUS: