Dowladda oo faahfaahin kabixisay khasaaraha ka dhashay Qarixii Muqdisho (Daawo)

HomeWararka

Dowladda oo faahfaahin kabixisay khasaaraha ka dhashay Qarixii Muqdisho (Daawo)

Wasiirka Warfaafinta Xukuumadda Soomaaliya Maxamed Cabdi Xayir Maareeye oo goor dhow Wariyeyaasha kula hadlayay xarunta dowladda Hoose ee Gobolka Bana

Madaxweynaha Somaliland oo Arrimo xasaasi ah kaga hadlay xuska Munaasabada 18-ka May (dhegayso)
Golaga Xisbiga Dimoqoraadiga Soomaalida (XDS) ee DDS oo leh shir xasaasi ah
Ururka NUSOJ oo wariyayaal u qabtay tababar ku aadan xoriyatul qowlka iyo nabadgelyada suxufiyiinta (Sawiro)

Wasiirka Warfaafinta Xukuumadda Soomaaliya Maxamed Cabdi Xayir Maareeye oo goor dhow Wariyeyaasha kula hadlayay xarunta dowladda Hoose ee Gobolka Banaadir ayaa ka warbixiyay khasaaraha qaraxii galabta ka dhacay xarunta.

Wasiir Mareeye oo ay hareer taagnaayeen Wasiirka Dhalinyarada, Taliyaha Booliska iyo Guddoomiye kuxigeenka Maamulka iyo Maaliyadda Gobolka Banaadir ayaa sheegay in falka argagixiso ee ka dhacay Xarunta ay ku dhinteen lix ruux oo labo ka mid ah ay yihiin Guddoomiyeyaal degmo, halka saddex kalena ay yihiin Agaasimayaal.

Sidoo kale waxaa uu sheegay inay ku dhaawacmeen Guddoomiyaha Gobolka Banaadir iyo Guddoomiyaal degmooyin, kuwaasoo dhaqaatiirta ay xaaladooda caafimaad la tacaalayaan.

Wasiirka ayaa sheegay in Hey’addaha Ammaanka ay wadaan baaritaanka ku aadan falkaas, isla markaana ay dib faah faahinta ka soo sheegi doonaan.

Qaraxa ka dhacay xarunta Gobolka Banaadir ayaa la sheegayaa inay fulisay qof haweeney ah, isla markaana isku qarxiyay gudaha hoolka shirarka, iyadoo uu socday Shir u dhaxeeyay Guddoomiyaha Gobolka Banaadir, kuxigeenadiisa iyo Guddoomiyeyaasha degmooyinka.

Xilliga qaraxa dhacay ayaa waxaa saacad ka hor ka baxay xarunta Wakiilka Qaramada Midoobey u qaabilsan Soomaaliya Mr James Swan oo maanta booqasho ku yimid xarunta dowladda Hoose, isagoo kula kulmay Guddoomiyaha Gobolka Banaadir.

Hoos kaga bogo hadalka Wasiirka

Al-Shabaab ayaa goor dhow war ay soo saareen waxay ku sheegeen in weerar ay ka geysteen Xarunta Gobolka Banaadir ay la beegsadeen Wakiilka Qaramada Midoobey u qaabilsan Soomaaliya.

COMMENTS

WORDPRESS: 0
DISQUS: