Dowladda Jabuuti oo ku dhawaaqday 156 qof kiisas cusub oo Fayraska Koroona

HomeWararka

Dowladda Jabuuti oo ku dhawaaqday 156 qof kiisas cusub oo Fayraska Koroona

Dowladda Jabuuti ayaa ku dhawaaqday kiisas cusub oo cudurka Coronavirus, kuwaasoo gaaraya illaa 156 qof oo laga helay Fayraska COVID-19. Tiradan ay

Dowladda Baxrayn oo ka hadashay Xiisada Diplomaasiyadeed ee Somalia iyo Imaaraadka
Caawa & Daljir iyo Khadar Cawl Ismaaciil, Daljir Buuhoodle (dhegayso)
MADAXWEYNE FARMAAJO OO CIIDAMADA DANAB UDIRAY BALADWEYNE (WARAYSI)

Dowladda Jabuuti ayaa ku dhawaaqday kiisas cusub oo cudurka Coronavirus, kuwaasoo gaaraya illaa 156 qof oo laga helay Fayraska COVID-19.

Tiradan ayaa noqoneysa tii ugu badneyd hal mar mid ka mid ah dalalka ku yaalla Geeska Afrika.

Sidoo kale waxay tirada guud ee cudurka Coronavirus noqoneysa 591 ruux oo Jabuuti oo dhan ah, waxaana tiradan ku jira ajaaniib aan u dhalan dalkaas.

Illaa iyo hadda labo ruux ayaa u geeriyooday cudurkan, sida ay Wasaaradda caafimaadka Jabuuti horay ugu dhawaaqday.

Cudurka Coronavirus ayaa si xooggan ugu faafaya dalalka ku yaalla Geeska Afrika, waxaana dalalkaas ay soo rogeen bandow habeenki ah oo lagu hakinayo dhaq dhaqaaqa guud, si looga hortago faafitaanka Coronavirus.

COMMENTS

WORDPRESS: 0
DISQUS: