Somaliland oo sheegtay in la baaray dad looga shakiyeey COVID19

HomeWararka

Somaliland oo sheegtay in la baaray dad looga shakiyeey COVID19

Fadhigii 57aad ee golaha wasiirrada Somaliland oo uu shir-guddoominayey Madaxweynaha Somaliland, Muuse Biixi Cabdi, ayaa maanta ku qabsoomay habka maq

Kheyre oo ku wajahan degmada Xudur ee gobolka Bakool (Sawiro)
Ra’iisul Wasaare Xamse oo kulan la qaatay Guddiga Madaxa-bannaan ee dib-u-eegista iyo hirgelinta Dastuurka
Mareykanka oo lacag ugu deeqay Abaarta kajirta Soomaaliya

Fadhigii 57aad ee golaha wasiirrada Somaliland oo uu shir-guddoominayey Madaxweynaha Somaliland, Muuse Biixi Cabdi, ayaa maanta ku qabsoomay habka maqalka iyo muqaalka, iyadoo golaha wasiirraduna shirka kaga qaybgaleen xafiisyadooda, taas oo ka mid ah talooyinka caafimaad ee xanuunka Covid-19, lagaga hortegi karo, si looga feejignaado.

Kulanka ayaa waxaa lagaga arrinsaday xanuunka saf-mareenka ah ee Coronavirus (Covid 19) oo ah mid dunida aafeeyey, iyadoo xukuumadduna dedaal ugu jirto xakamaynta iyo ka hortagga xanuunkaasi sidii aanu bulshada fagin.

Intii uu Shirka socdey ayaa waxaa ugu horrayn warbixin la xiriirta xanuunka covid 19 laga dhegeystay wasiirka horumarinta caafimaadka, Cumar Cali Cabdilaahi waxaanu wasiirku ku dheeraaday dadaalka iyo diyaargarawga ka hortagga xanuunka ee wasaaradda horumarinta caafimaadku ugu jirto iyadoo kaashanaysa guddiga heer qaran ee u diyaargarowga iyo ka hortagga xanuunka ay xil weyn iska saareen badqabka bulshada, waxaanu wasiirku sheegay in baaritaanno lagu sameeyey dad looga shakiyey xanuunka, tirada rasmiga ah ee xanuunka laga helayna tahay shanti qof ee hore loo shaaciyey, iyada oo laba qof oo laga shakisan yahana jawaabta shaybaarkooda la sugayo, sidoo kale waxa uu wasiirku xusay in gobol walba iyo xuduudaha ay ka hirgeliyeen goobo u gaara xanuunka oo ay ku sugan yihiin hawl-wadeenada caafimaadku.

Dhinaca kale wasiirka wasaarada horumarinta maaliyada, Dr Sacad Cali Shire ayaa golaha warbixin ka siiyey saamaynta dhaqaale ee uu xanuunku ku yeeshay guud ahaan dhaqaalaha dunida, gaar ahaanna Somaliland, isagoo wasiirku caddeeyey in xanuunkani saameeyey mala’awaalka miisaaniyad-sanadeedka qaran ee 2020, sababina karo hoos udhac dhaqaale, sidaa awgeed la tashiili doono miisaaniyada , iyadoo dawladduna qorshe ka yeelan doonta saamaynta dhaqaale ee xanuunkani bulshada ku keeni karo.

Ugu danbayntii waxa goluhu isla qaateen in la dardargeliyo baraarujinta iyo wacyigelinta bulshada ee xanuunka covid 19, iyagoo shacabka u soo jeediyey inay u hoggaansamaan awaamiirta guddiga heer qaran ee covid 19 iyo talooyinka caafimaad ee la soo saaray.

Diwaanka wararka
Radio Daljir

COMMENTS

WORDPRESS: 0
DISQUS: