Mareykanka oo lacag ugu deeqay Abaarta kajirta Soomaaliya

HomeWararka

Mareykanka oo lacag ugu deeqay Abaarta kajirta Soomaaliya

Hay’adda Caalamiga ah ee Mareykanka u qaabilsan dhinaca gargaarka ee USAID ayaa shaacisay in Soomaaliya ay ugu deeqday lacag dhan 2 Milyan oo Dollar s

MARTISOOR: Maalinta dhalinyaradda iyo Waraysi AUN Ladane Salax Deer (dhegayso)
Gudoomiyaha Gobalka Mudug” aniga & Duqa Dagmada waxaan ku hishiinay in aanan lacag isku qilaafin.
Warka Caweysin iyo Saynab Cabdinuur Daljir Bosaaso (dhegayso)

Hay’adda Caalamiga ah ee Mareykanka u qaabilsan dhinaca gargaarka ee USAID ayaa shaacisay in Soomaaliya ay ugu deeqday lacag dhan 2 Milyan oo Dollar si loo yareeyo saameynta abaaraha iyo dhacdooyinka naxdin leh ee bulshooyinka la hayb sooco ee kunool koonfurta Soomaaliya.

Mareykanka ma shaacin goobaha rasmiga ah ee lagu bixinaayo lacagtaas, hayeeshee ujeedkooda uu yahay sidii Soomaaliya looga taageeri lahaa waxka qabashada Abaaraha kajira qaar kamid ah Gobolada Koonfurta iyo Bartamaha dalka Soomaaliya.

Hay’ado badan oo Caalami ah ayaa dhankooda horay u bixiyay lacago loogu talo galay waxka qabashada Abaaraha, balse sanadkaan ayaa abaarta waxaa ay kusoo aaday xilli Soomaaliya ay kujirto waqti doorasho.

Meelo badan oo kamid ah Koonfurta iyo bartamaha Soomaaliya ayaa waxaa xilligaan kajirta Abaar saameysay dad iyo Duunyo, iyada oo dowladda Soomaaliya & Dowlad Goboleedyada ay ka gaabiyeen doorkooda ku aadan u gurmashada dadka ay saameeysay abaarta.

COMMENTS

WORDPRESS: 0
DISQUS: