Maxaa looga hadlayaa maanta shirka Wasiirada Jubbaland?

HomeWararka

Maxaa looga hadlayaa maanta shirka Wasiirada Jubbaland?

Golaha Wasiirada Dowlad Goboleedka Jubbaland ay kulankoodii todobaadlaha ahaa oo ay ku yeeshaan Magaalada Kismaayo ee Xarunta Gobolka Jubbada Hoose, w

Jubbaland oo sheegtay inay diyaar u tahay wada hadal ay la gasho dowladda faderaalka (dhegayso)
Xulashada Daljir & Xuseen Madar, Daljir Bossaso (dhegayso)
Deeq lacageed oo la gaarsiyaay Hooyo Cabudwaaq ku xanuunsan (dhegayso/Sawiro)

Golaha Wasiirada Dowlad Goboleedka Jubbaland ay kulankoodii todobaadlaha ahaa oo ay ku yeeshaan Magaalada Kismaayo ee Xarunta Gobolka Jubbada Hoose, waxa uu qorshu yahay in ay maanta kaga doodaan arimaha Doorashada Golaha Shacabka.

Shirka ayaa todobaadkaan ka duwan todobaadyadii hore, waxaana Maanta looga hadlayaa hanaanka loo bilaabayo doorashada Xildhibaannada Golaha Shacabka.

Maamulka Jubbaland ayaa ka duwan Maamulada kale, waxaana kaliya uu Maamulayaa qeyb kamid ah dooraahada Xildhibaannada Golaha Shacabka halka qeybta kale ee ka dhaceysa doorashadooda degmada Garbahaareey ay Maamulayaan Maamulka Gedo oo ay Magacaawday dowladda Soomaaliya.

Maamulada Galmudug iyo Koonfur Galbeed ayaa bilaabay doorashada Xildhibaannada Golaha Shacabka, taas oo durba qeylo ka timid halka Maamulada kale ee Hir-Shabeelle, Jubbaland iyo Puntland ay kujiraan diyaar garoowgii ugu dambeeyay.

COMMENTS

WORDPRESS: 0
DISQUS: