Dowladda Jabuuti oo guuto ciidan ah ku kordhinaysa howl-galka AMISOM ee ka socda Soomaaliya

Jabuuti, December 28, 2013 – Dowladda Jabuuti oo qayb ka ah howl-galka nabad ilaalinta Soomaaliya ee AMISOM ayaa shaacisay inay kordhinayso ciidankeeda jooga gudaha Soomaaliya.

Madaxweyne Ismaaciil Cumar Geele ayaa shaaciyey in ay si dhaqso ah u diri doonaan ilaa hal guuto oo ciidan ah kana socda Jabuuti, kuwaas oo ku biiraya howl-galka nabad ilaalinta.

Ciidamada AMISOM ee ka socda Jabuuti ayaa jooga Hiiraan, meleteriga cusub ee ku biiraya howl-galka ayaa la filayaa inay tegi doonaan Beledweyne in kastoo aan weli la qorshayn.

Madaxweynaha Jabuuti oo la hadlay VOA wuxuu sheegay in qorshaha cusub uu yahay dadaalada ay iska kaashanayaan Soomaaliya iyo Jabuuti ee lagu doonayo in Al-shabaab looga saaro meelaha ay ka joogto Soomaaliya, gaar ahaan Hiiraan sida Buulo-burte.

Ciidamada Jabuuti ee jooga Hiiraan kana tirsan howl-galka AMISOM ayaa la sheegaa in ay wax badan ka qabteen dhinacyada nabadgelyada, dhismaha ciidamada, iyo arrimaha bini?adanimo ee gobolka.

Diiwaanka wararka

Radio daljir

Daljir.com

FAALLOOYIN & FALCELIN

WORDPRESS: 0
WP2Social Auto Publish Powered By : XYZScripts.com