Dowladda hoose ee Garoowe oo bilowday daddaalo loogu diyaar-garoobayo doorashada (Dhegeyso)

Garoowe, November 4, 2013 – dowladda hoose ee magaalada Garoowe ayaa u diyaar-garoobaysa suggida amniga iyo kor u qaadida bilicda caasimada Puntland ee Garoowe, xilliga doorashada oo haatan soo dhowaaday.

Duqa Garoowe Cabdicasiis Nuur Cilmi ayaa sheegay in ay jiraan ciidamo habeenkii suga amniga magaalada Garoowe, arintaas ayuu sheegay in ay qayb ka tahay daddaalada loogu jiro ilaalinta amniga guud ee caasimada.

Mudane Koor oo la hadlayey idaacada daljir, ?waxaa uu hadalkiisa ku sii daray in ay wadaan dhisida bilicda magaalada caasimada ah ee Garoowe, waxaa uu tusaale u soo qaatay in ay hubin doonaan habka dhismaha dhismayaasha uu u socdo.

Docda kale waxaa uu mudane Cabdicasiis Koor xaqiijiyey in ?uu socdo dhisme lagu waddo jidad laami ah iyo kuwa Jaay ah, isla markaasna qaarkood la dhamaynayo ka hor maalinta doorashada.

Bilicda caasimada Puntland ee is bedelka lagu sameeyey waxaa ka mid ah dadka baragkacayasha oo la dejiyey meelo ka baxsan caasimada, sida uu sheegay gudoomiyaha degmada Garoowe oo xusay in dhamaan adeegyada asaasiga ah ay helaan baragkacayaashu.

Diiwaanka wararka

Radio Daljir

Dhegeyso: Duqa Garoowe Cabdicasiis koor oo u waramay Cabdiraaxman Gaardi oo daljir ka tirsan


Posted

in

by

Tags:

Comments

U dhaaf Halcelis

Negelka email-kaaga lama faafin doono. Godadka faralka ah waxaa lagu suntay *

WP2Social Auto Publish Powered By : XYZScripts.com