Dowladda oo qorshe wanaagsan ku sifaysay heshiiskii shirkada FAVORI iyo shirkadaha duulimaadka

Muqdisho, November 4, 2013 – Shirkada maamusha garoonka diyaaradaha ee Muqdisho iyo shirkadaha duulimaadka ee dalka ayaa heshiis wada-shaqayn ah ku kala saxiixday gudaha garoonka diyaaradaha ee Muqdisho, kadib kulan uu joogay wasiirka warfaafinta ee dalka.

Cabdulaahi Ciil-mooge Xirsi wasiirka warfaafinta ee dalka oo shirka heshiiska ah ka hadlay, waxaa uu ?sheegay in howlaha garoonka iyo isu-socodka duulimaadka ay muhiim u tahay in ay isla socdaan shirkada garoonka maamusha iyo shirkadaha kale.

Heshiiska shirkada maamusha garoonka diyaaradaha ee Muqdisho ee FAVORI iyo shirkadaha kale ee dulimaadka dalka, ?ayaa ah mid intiisa badan dhigaya in la isla socdo lana kala war hayo lagana gudbo caqabado dhowr ah.

Shirkada FAVORI ee laga leeyahay dalka Turkiga ayaa la wareegtay maamulka garoonka bishii September ee ina dhaaftay, balse weli waxaa muran ka taagan yahay ansixinteeda baarlamanka ayaa ka fadhiya, xili dhowr jeer su?aalo laga weydiiyey wasiirka warfaafinta ee dalka.

Diiwaanka wararka

Radio Daljir

Daljir.com

FAALLOOYIN & FALCELIN

WORDPRESS: 0
WP2Social Auto Publish Powered By : XYZScripts.com