Dowladda Federaalka oo Warsaxafadeed Kasoo Saartay Galmudug Xaaladda Ka Cakiran

HomeWararka

Dowladda Federaalka oo Warsaxafadeed Kasoo Saartay Galmudug Xaaladda Ka Cakiran

Waxaa soo baxaya Shaqsiyaadka iyo Xubnaha Siyaabaha Kala duwan uga hadlaya xaaladda Galmudug oo gashay waji ka cusub kii hore kadib marki madaxweyne X

James Swan oo shacabka Soomaaliyeed ugu hambalyeeyay bilashada Bisha Ramadaan
Xidhibaan Hore, Siyaasiyiin & Ganacsade Garoowe lagu Xiray
Ra’iisul wasaare Rooble oo ka hadlay qaraxii Muqdisho

Waxaa soo baxaya Shaqsiyaadka iyo Xubnaha Siyaabaha Kala duwan uga hadlaya xaaladda Galmudug oo gashay waji ka cusub kii hore kadib marki madaxweyne Xaaf xilka ka xayuubiyen Barlamaanka Galmudug.

Warsaxaafadeed kasoo baxay Wasaaradda arrimaha gudaha ee Xukuumadda Federaalka ah ee Soomaaliya oo ka koobnaa afar qodob ayaa u qornaa

War-saxaafadeed W/Arrimaha Gudaha XFS ee xaalada GalMudug

1:Dawladda Federaalka Soomaaliya waxey ka wallaacsan tahay xasaradaha amni iyo siyaasadeed ee maalmahan ka soo cusboonaaday xarunta KMG ah ee maamulka GalMudug ee degmada Cadaado.

2:Dawladda Federaalku waxey cambaareyneysaa falalka aan waafaqsaneyn sharciga iyo hannaanka dimoqraadiga ee lagu xayiray dhaqdhaqaaqyada Madaxweyne ku xigeenka, Guddoomiyaha iyo Guddoomiye Kuxigeenka 2aad ee Baarlamaanka GalMudug, waxeyna ku baaqeysaa in si deg-deg ah xorriyadooda loogu soo celiyo si ay u gutaan waajibaadkooda dastuuriga ah.

3:Dawladda Federaalku waxey ku baaqeysaa in la ixtiraamo go’aankii uu Baarlamaanka GalMudug gaaray maanta oo taariikhdu tahay 26 September 2017, loona hoggaansamo sareynta sharciga.

4:Dawladda Federaalku waxey fareysaa hay’adaha amniga inay ka hortagaan xasarad kasta oo keeni karta amni darro saameysa hay’adaha dastuuriga ah, waxeyna ugu baaqeysaa shacabka inay kaalin ka qaataan dhawrista nabadgelyada iyo xasiloonida deegaanka.
DHAMAAD

COMMENTS

WORDPRESS: 1
  • xamse cadani 7 years ago

    magacaygu wa xamse cadani oo joga magalada galgala dawlada gslmudug wainay qadatisa baqa wasarada gudaha somaliya

DISQUS: