Hay’adda Cunadda Aduunka WFP oo Cabasho ka gudbisay Sharikadda DPWorl

HomeWararka

Hay’adda Cunadda Aduunka WFP oo Cabasho ka gudbisay Sharikadda DPWorl

Qoraal ay heshay Warbaahinta ayaa muujinaya in Hay’adda Cuntada ee WFP ay cabasho ka gudbisay Sharikadda Maamusha Dekadda Magaalada Berbera,taas oo la

Rooble oo kala diray guddiyadii doorashada Labada Aqal
Xulashada Daljir & Cabdinaasir Jekey, Daljir Gaalkacyo (dhegayso)
Caawa & Daljir iyo Maxamed Lakiman, Daljir Bosaaso (dhegayso)

Qoraal ay heshay Warbaahinta ayaa muujinaya in Hay’adda Cuntada ee WFP ay cabasho ka gudbisay Sharikadda Maamusha Dekadda Magaalada Berbera,taas oo lagu eedeeyay in ay xayiraad iyo waqti lumis ku heyso howlaha Hay’adda WFP.

Qoraalka Hay’adda oo ku beegnaa dhamaadkii August ayaa loo gudbiyay Wasaaradda qorsheynta Maamulka Somaliland,waxaana Hay’addu intaas raacisay in ay ka fiirsaneyso in ay gargaarka kala soo degto Berbera una wareegsan doonto Dekadaha gobolka.

Qoraalka ayaa u qornaa sidan:

Hay’addu waxay xukuumadda Somaliland ku wareejisay in ay hadda kadib maraakiibta shixnadaha badan sida u wareejin doonto dekedaha kale ee gobolka,inkaste oo aanay magacaabin dekeda ay doorbidayaan in ay berbera ku badashaan.

“Sida aad ka warqabtaan,hay’adda cuntada aduunka ee Qaramada Midoobey (WFP) waxa ay kamid tahay macaamiisha ugu waa wayn ee shixnaddaha kala soo dega dekeda Berbera.Qayb wayn oo kamid ah shixnadahaas WFP soo mariso Berbera waa ay gudubtaa,waxaana ay ka kooban tahay Cuntooyin caawimo ah ook aan loogu talo galin Somaliland oo kaliy,balse sida oo kale lagu caawinayo Somaliya,Itoobiya,iyo Yamen oo ay dadkoodu macaluul khatar u yihiin iyo nafaqo daro.Sidaa awgeed WFP shixnado cunto ah oo aad u badan ayaa ay kala soo dagtaa Berbera oo ah xudunta ugu muhiimsan gobolka hawlaha ay hay’addu wado.Arrimahaas awgood waxa aanu si naxariis leh uga codsanaynaa inaad noo xaiqijisaan in shixnadaha bani’aadamnimo ee hay’adda WFP uga soo daga dekeda magaalada Berbera dajinteeda mudnaan gaar ah la siin doono.Waxa kale oo aan si naxariis leh uga codsanaynaa in la yareeyo maalmaha ay tahay in markabka kirada ah ee u raran WfP uu sugo in lasoo xidho.gaar ahaan maraakiibta xamuulka ah ee badarka Qaada (Qamadida ) iyo maraakiibta WFP wakhtiga go’an la soo kiraysatay.

COMMENTS

WORDPRESS: 0
DISQUS: