Dowladda Federaalka ah oo maanta howl-gelisay mashruuc fududaynaya bixinta mushaarka rayidka

Muqdisho, August 29, 2013 – Ra?isal wasaaraha Soomaaliya Cabdi Faarax Shirdoon (Saacid) ayaa guul ku tilmaamay mashruuc ay iska kaashadeen dowladaha Soomaaliya iyo Norway, kaas oo sahlaya in si casri ah loo bixiyo mushaarka rayidka.

Cabdi Faarax Shirdoon wuxuu sheegay in uu aad ugu faraxsan yahay hir-gelinta mashruuca oo laga fuliyey Bankiga dhexe ee Soomaaliya, waxaana maanta bilowday bixinta mushaarka rayidka.

? Bixinta mushaarka rayidka ah iyo howsha ka socota Bankiga dhexe ee dalka waa guul u soo hoyatay dowladda, waxayna abuuri karta kalsoonida beesha caalamka? ayuu yiri Ra?isal wasaare Shirdoon oo booqday Bankiga dhexe ee dalka.

Howsha ka socota Bankiga dhexe ee dalka Soomaaliya ayaa ah mashruuc la soo diyaarinayey muddo 8 bilood ah, kaas oo ay iska kaashadeen dowladdaha Norway iyo Soomaaliya.

Mashruuca ayaa qeyb ka ah ololaha maareynta dhaqaalaha dalka oo ay waddo wasaarada maaliyada ee Soomaaliya.

Dowladda Soomaaliya waxay sheegtay in mashruucan ka socda Bankiga Soomaaliya uu yahay mid illaalinaya xogta qofka Soomaaliga ah ee mushaarka ka qaadanaya Bankiga dhexe ee dalka Soomaaliya, waana hanaan Teknolajiyadeed.

?

Diiwaanka wararka

Radio Daljir?

Daljir.com

FAALLOOYIN & FALCELIN

WORDPRESS: 0
WP2Social Auto Publish Powered By : XYZScripts.com