Dowladda Faderaalka Soomaaliya oo sheegtay inay marnaba ku biiri doonin isbahaysi kadhan ah Qatar iyo Turkey

Dowladda Faderaalka Soomaaliya oo sheegtay inay marnaba ku biiri doonin isbahaysi kadhan ah Qatar iyo Turkey

Wasiirka arrimaha dibadda iyo maalgashiga ee dowladda faderaalka Soomaaliya Axmed Ciise Cawad ayaa sheegay dowladda faderaalka Soomaaliya inay marna qayb ka noqon doonin isbahaysi kasta oo looga soo horjeedo dalalka Qatar iyo Turkey oo uu sheegay inay taageeraan dowladnimada Soomaaliya.

Wasiir Cawad ayaa hadal ka jeediyay xaflad kadhacday machadka diblumaasiyadda ee Qatar ee ay ka hirgalisay magaalada Muqdisho.

Waxaa uu sheegay mowqifkii dhexdhexaadinta ay Soomaaliya ka qaadatay khilaafka dalalka Khaliijka inuu sababay in Soomaaliya la dhibaateeyo.

Wasiirka oo ka hadlayay muranka badda ee Kenya ay ku boobayso xeebaha Soomaaliya gaar ajaana xeebta Jubbooyinka ee u dhow dalkaasi ayaa sheegay in go’aanka uu yaalo maxkamadda ICJ, ayna go’aankeeda ay ku kala bixi doonaan.

 

FAALLOOYIN & FALCELIN

WORDPRESS: 0
WP2Social Auto Publish Powered By : XYZScripts.com