Dowladda Denmark oo Qalab Xafiiseed Ku Wareejisay Booliska Gobalka Banaadir (Sawiro)

Dowladda Denmark  oo Qalab Xafiiseed Ku Wareejisay Booliska Gobalka Banaadir (Sawiro)

Taliye-xigeenka Boliska AMISOM, Ms. Christine Alalo waxay ku wareejisay Taliyaha Boliska Gobalka Banaadir, Jeneral Axmed Xasan Maalin.qalabka ay Dowladda Denmark ugu deeqday Boliska Gobalka Banaadir.

Qalabkaasi ayaa ka koobnaa Qalab Xafiiseed, Kombiyuutaro, Qalabka Daabacaadda. Armaajooyin iyo Nalalka iyo Tooshashka ku shaqeeya Ilayska Qorraxda (Solar Lamps).

Qalabkaasi ayaa la sheegay in loo qeybin doono Saldhigyadda Boliska ee ku yaalla magaalladda Muqdisho.

Madaxa Loojistikadda ee Ciiddanka Boliska Somalia, Jeneral Cumar Maxamed Xasan ayaa ka mahadceliyey Deeqdaasi, wuxuuna sheegay inay Boliska ka bixi doonaan baahida ay u qabeen Kombiyuutaro, maadaama Saldhigyada Boliska haatan laga isticmaalo Makiinadaha Qoraalka ee Xilli hore laga isticmaali jirey Caalamka.

FAALLOOYIN & FALCELIN

WORDPRESS: 0
WP2Social Auto Publish Powered By : XYZScripts.com