Dowladaha Soomaaliya iyo Suudaan oo heshiisyo kala saxiixday (sawiro)

HomeWararka

Dowladaha Soomaaliya iyo Suudaan oo heshiisyo kala saxiixday (sawiro)

Dowladaha Soomaaliya iyo Suudaan oo ay kulamo ugu socdeen magaalada Khartuum ee caasumada dalkaasi ayaa heshiisyo kalle duwan saxiiday, kuwaasi oo ay

Abiy Ahmed iyo TPLF oo kulmay markii ugu horreysay kadib heshiskii nabadda Tigray
Barnaamijka Ciyaaraha ee Sports News iyo Cabdiraxman Yemani (dhegayso)
Madaxweyne Xasan Sheekh oo booqasho ku tegay Talyaaniga

Dowladaha Soomaaliya iyo Suudaan oo ay kulamo ugu socdeen magaalada Khartuum ee caasumada dalkaasi ayaa heshiisyo kalle duwan saxiiday, kuwaasi oo ay ka mid yihiin waxbarashada, beeraha, fanka, diblumaasiyadda iyo ammaanka.

Heshiisyada ayaa waxaa kala saxiiday qaar ka mid ah wasaaradaha Soomaaliya iyo Suudaan, kadib socdaal wafdi wasiiro iyo xildhibaano kakooban oo uu hogaaminayo madaxwaynaha Soomaaliya oo gaaray wadanka Suudaan.

Heshiiska ayaa waxaa qayb ka ah in saraakiisha amniga ee dowladda dhexe iyo diblumaasiyiin katirsan wasaaradda arimaha dibadda ay tababaro kusoo qaataan wadanka Suudaan, sidoo kalle madaxwaynaha ayaa kormeer ku tagay warshadda hubka samaysa Suudaan ee Yarmuuk.

Madaxwaynayaasha Soomaaliya iyo Suudaan ayaa bogaadiyay heshiiskan iyo xiriirka labada dowladood ee Soomaaliya iyo Suudaan.

COMMENTS

WORDPRESS: 0
DISQUS: