Diblomaasiyiin Soomaaliyeed oo Qadar Tababar loogu soo Gabagabeyeey

Diblomaasiyiin Soomaaliyeed oo Qadar Tababar loogu soo Gabagabeyeey

Diblomaasiyiin ka socday Dawladda Soomaaliya ayaa tababbar loogu soo xiray magaalada Doha ee Caasimadda dalka Qatar, waxaana intii uu tababbarku socday ka faa’iidaysteen casharo kala duwan oo la xiriira siyaasadda arimaha dibedda iyo sida Dalalka horumaray ay u maareeyaan.

Tababbarkan ayaa sidoo kale waxaa ka faa’iideystay diblomaasiyiin ka socday Dalka Suuriya iyo Masuuliyiin ka tirsan Safaaradda Soomaaliya ee dalka Qatar.

Waxaa munaasibad shahaadooyin lagu guddoonsiiyey diblomaasiyiintan loogu qabtay Wasaaradda arrimaha dibadda ee dalka Qatar, waxaana ka soo qayb galay mas’uuliyiin ka tirsan Dawladda Qatar, kuwaasi oo sheegay inay ka go’antahay inay caawiyaan oo barbar istaagaan walaalahooda kale.

Intii uu kulanku socday waxaa Dawladda Soomaaliya lagu ammaanay tallaabooyinka wanaagsan ee ay u qaaday dhinaca Dawladnimada iyo horumarka, waxaana la xusay inay taasi muujinayso inay Soomaaliya soo ceshato doorkii ay ku lahayd caalamka, waxaana sidoo kale lagu ammaanay Xukuumadda Soomaliya doorkii dhex-dhexaadnimada ahaa ee ay ka qaadatay xiisadda Khaliijka ka taagan.

FAALLOOYIN & FALCELIN

WORDPRESS: 0
WP2Social Auto Publish Powered By : XYZScripts.com