Dhismaha Garoonka Diyaaradaha Garoowe oo Gabo-gabo Maraya (Sawirro)

Madaxwyenaha Dawladda Puntland Dr. Cabdiweli Maxamed Cali Gaas ayaa maanta 31 July 2017 soo kormeeray gigida diyaaradaha Garoowe oo dhismihiisu gebogebo marayo.

Kormeerkan ayaa waxaa Madaxweynaha  ku wehelinaayey Wasiirka Wasaaradda Duulista iyo Hawadda ee Dawlada Puntland iyo ku xigeenkiisa, masuuliyiin isugu jirey Wariiro iyo xildhibaano, saraakiil ka tirsan Madaxtooyada dawladda Puntland, guddoomiyaha gobolka Nugaal iyo masuuliyiin kale.

Madaxweyanaha dawladda Puntland ayaa ugu horayn soo kormeeray dhammaan dhismaha garoonka, isagoona Madaxweynuhu dul istaagay qiimeeyeyna  meel kasta oo shaqo ka socotey garoonka dhexdiisa, waxaana uu Madaxweynuhu ka xogwaraystay shaqaalaha ka shaqaynaayey dhismaha garoonka sida ay shaqadu u socoto.

Sidoo kale Madaxweynaha ayaa ku amaanay masuuliyiinta Wasaaradda Duulista iyo Hawadda ee dawladda Puntland sida wanaagsan ee ay uga soo baxeen shaqada loo igmaday, isla markaana waxa uu Madaxweynuhu xaqiijiyey in tayo ahan iyo bilic ahaanba garoonka loo hirgeliyey sidii qorshuhu ahaa.

Dhinaca kale madaxweynaha Dawladda Puntland ayaa xaqiijiyey in dhismaha garoonku marayo wejigii ugu danbeeyey, isla mar’ahaantaana lasoo afmeeri doono inta hadhay wakhti aan fogeyn Insha Alla.

Ugu Danbayntii, Madaxweynaha Dawladda Puntland Dr. Cabdiweli Maxamed Cali Gaas ayaa kula dardaarmay hawl-wadeenada gacanta ku haya dhismaha garoonka diyaaradaha Garoowe oo ay ugu horeeyaan madaxda Wasaaraddu  inay markasta xasuusnadaan in dhismahani muhiimad gaara u leeyahay kaabayaasha horumarineed ee dawladda Puntland, madaama uu ka qayb qaadanayo horumarka, bilicda, isku xidhka Puntland iyo caalamka intiisa kale, isla markaana u kaalin weyn ka qaadan doono ilaha dhaqaale ee dalka.

SAWIRRO


Posted

in

by

Tags:

Comments

U dhaaf Halcelis

Negelka email-kaaga lama faafin doono. Godadka faralka ah waxaa lagu suntay *

WP2Social Auto Publish Powered By : XYZScripts.com