(Dhagayso) G.Gobolka Nuugaal Cabdullaahi Ciise Aw-axmed oo shacabka ka raaligaliyay rasaas maantay Garowe laga maqlayay

Garowe, 22, June, 2015 Guddoomiyaha Gobolka Nuugaal Cabdullaahi Ciise Aw-Axmed oo shacabka reer Garowe ka raaligaliyay Rasaas maantay Garowe laga maqlayay. 

Guddoomiyaha ayaa hadalkaasi raaligalinta ah waxaa uu ku sheegay waraysi gaar oo uu siiyay idaacadda Daljir, waxaana uu sheegay in rasaasta ay fureen ciidamo ka tirsan Puntland, kuwaasi oo halwal ka waday gudaha magaalada Garowe.

Guddoomiye C//laahi ayaa sheegay in ay sii labo-jibbaarayaan hawlgallada ammaanka ee caasumada ay hay\’adaha amnigu ka wadaan, waxaana uu hadalkiisa raaciyay in ay gacan bir ah ku qabanayaan cid-kasta oo isku dayda in ay ammaanka khal-khal-galiso.

Hoos ka dhagayso waraysi uu guddoomiyaha la yeeshay wariye Maxamed C/llaahi Cali Kooshin oo Radio Daljir ka tirsan

FAALLOOYIN & FALCELIN

WORDPRESS: 0