HomeUncategorized

Dugsiyada sarre ee kale ah Midigalle Iyo Immaami-Nawaawi oo caawa guul ka gaaray wareegii 1-aad ee barnamijka T&T.

Boossaaso, 23 - June - 2015 - Barnaamijka Tartan iyo Tacliin oo ay ku baratamaan dugsiyada sare Puntland ayaa caawa ahayd habeenkii sadexaad ee barnaamijka waxaana ku tartamay afar ka mid ah sodonka dugsi ee barnaamijkan ka qaybgalaya sanadkaan.

DHAGAYSO:Wasiirka Warfaafinta Puntland oo ka warbixiyay Dagaalkii Maanta
DHEGEYSO-Gudoomiyaha gudiga gurmadka abaaraha Puntland oo Daljir lahadlay.
DHAGAYSO: Barnaamijkii Maan-Hadal _Jimco 29

Boossaaso, 23 – June – 2015 – Barnaamijka Tartan iyo Tacliin oo  ay ku baratamaan dugsiyada sare Puntland ayaa caawa ahayd habeenkii sadexaad ee barnaamijka waxaana ku tartamay afar ka mid ah sodonka dugsi ee barnaamijkan ka qaybgalaya sanadkaan.

Qaybtii koowaad ayaa waxaa tartan adag uu ku dhexmaray dugsiyada kala ah Midigalle Secondary School iyo Imaamu Shaafici Secondary School , waxaana guulaystay dugsiga sare Midigalle.

Gudoomiyaha guddiga barnaamijka Tartan iyo Tacliin Yuusuf Suudi ayaa waxaa uu ku dhawaaqay natiijada, waxaana uu sheegay dugsiga sare Midigalle inuu ka jawaabay sadex ka mid ah shantii su\’aalood ee uu xaqa u lahaa , wax ka faa\’iidaysi ma helin , sidaasi ayaa waxaa uu ku helay lix dhibcood.

Imaamu Shaafici Seecondary ayaa ka jawaabay laba ka mid ah shantii su\’aalood ee la waydiiyay , hal su\’aalna waa uu ka faa\’iidaystay sidaasi ayaa waxaa uu ku helay shan dhibcood loogana adkaaday tartankii caawa.

Imaamu Nawaawi Garoowe iyo Samatar Baxnaaan Buuhoodle ayaa ku tartamay qaybtii labaad ee barnaamijka , waxaana ku guulaystay Imaamu Nawaawi oo helay toban dhibcood   halka dugsigii kale ee la tartamayay Samatar Baxnaana uu keenay  lix dhibcood.

Habeen dambe ayaa waxaa ku tartamaya Gambool Secondayy (Garowe) Al-furqaan (Baran) , qaybta kalena waxaa ku tartamaya Mubaarak(Dhahar) iyo Baargaal Secondary( Degmada Baargaal ah.

Barnaamijka ayaa waxaa lagu jiraa wareegiisa koobaad , waxaana sanadkan maal gelinaysa shirkada Isgaarsiinta Golis Telcom iyo wasaaradda waxbarashada Puntland , waxaana dhanka kale fududaynaya daladda waxbarashada ahliga ee PEN, Radiyow Daljirna waa uu soo abaabulaya , waxaana laga dhagaysanayaa xarumihiisa oo dhan.

COMMENTS

WORDPRESS: 0
DISQUS: